Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Qaramada Midoobay oo ku baaqday Itoobiya in la geeyo kormeerayaal
Qaramada Midoobay ayaa ugu baaqday dowladda Ethiopia inay u oggolaato kormeerayaal caalami ah dalkeeda, gaar ahaan goobaha ay saameeyeen banaanbaxyadii dhiiggu ku daatay ee ka dhacay dalka.
Madaxa Qaramada Midoobay ee xuquuqda aadanaha, Zeid Ra'ad Al Hussein, ayaa sheegay in aanu jirin isku day dhab ah oo lagu baarayo rabshadahaasi ama lagu oggaanayo cidda masuulka ka ahayd.
Hey'adda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International waxay sheegtay in boqol qof lagu dilay banaanbaxyada ka dhacay gobolada Oromia iyo Amhara toddobaadka dabayaaqadiisa.
Oromada iyo Amxaarada waa qowmiyadaha ugu ballaaran dalka Itoobiya, waxayna ka mudaharaadayeen dhul iyo arrimo kale.