Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Diyaaradaha Ruushka ayaa ka duulaya saldhig Iran ku yaala si ay uga dagaalamaan Suuriya
Published
Ruushka ayaa hadda isticmaalaya saldhig ciidanka cirka ee ku yaal Iran si uu u weeraro kooxda islaamiyiinta Suuriya.
Wasaarada gaashaandhiga ee Ruushka ayaa sheegtay in diyaaradahooda dagaalka ay ka kaceen saldhiga Hamedan, ee galbeedka Iran ayna dileen dad badan oo mucaaradka u dagaalamaya.
Bilihii la soo dhaafay Moscow iyo Tehran ayaa ka wadahadlay inay kordhiyaan iskaashigooda milatari.
Ruushka ayaa sheegay in weerarka lala beegsaday kooxda IS iyo kooxda Al Nusra Front, ee gobolka Aleppo, Idlib iyo Deir Azzor.