Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Puntland oo ka digtay argagixisada
Published
Maamulka Puntland ayaa shaaciyay magacyada, sawirrada iyo beelaha ay u dhasheen dad ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen weerrarada dilka iyo is-qarxinta ee dad badan ay ku dhinteen oo uu u dambeeyey kii toddobaadkii hore ka dhacay Gaalkacyo, iyo kii shalay ka dhacay Muqdisho.
Maamulka Puntland wuxuu sheegay in baaritaan kadib in ay u caddaatay xubnahan in ay faafiyaan in laga digtoonaado.
Wariyaha BBC Abdifatah Ibraahin ayaa telefoonka Garowe wuxuu ku wareystay Cabdulaahi Maxamed Jaamac afhayeenka madaxtooyada Puntland.