Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Qarax ka dhacay Muqdisho
Published
Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhimatay, afar kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Qaraxa ayaa ka dhacay dibedda maqaayadda Blue Sky ee ku taalla bartamaha caasimadda.
Waa weerarkii labaad ee khasaaro geystay ee maalmo gudahood ka dhaca Muqdisho.
Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyadda qaraxa maanta iyo kii ka horeeyayba.
Todobaadkii tegay, wasiirka arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cumar Hadliye, ayaa kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay ka sheegay, in Al-Shabaab ay beegsaneyso bartilmaameedyada sahlan, maadaama awood ahaan la wiiqay.