Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Mucaaridka Suuriya oo weerar qaaday
Published
Kooxaha mucaaridka ee Suuriya ayaa sheegay inay weerar ku qaadeen saldhig ay leeyahiin ciidanka cirka ee Suurriya oo ku yaal aaga Xalab.
Waxaanay sheegeen in weerarkani qayb ka ahaa guluf cusub oo falaagadu qaaday si magaalada uga qaadaan go'doonka la galiyey qaybaha magaalada Xalab ee mucaaridku haystaan.
Koox degan dalka Ingiriiska oo dusha kala socda dagaalka Suuriya ayaa sheegay in gantaalo lagu garaacay Al Nayrab iyo Hamamain oo ah meelo ay degan yahiin Ciidamada Ruushka oo u dhaw Lataqiya.