Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Shirweynaha dalalka ku hadla afka Faransiiska
Published
Magaalada Antananarivo ee jasiiradda Madagaskar waxaa lagu soo gabagabeeyey shirkii 23aad ee wasiirrada arrimaha dibadda ee waddamada ku hadla afka Faransiiska (francophone).
Kulanka ayaa wuxuu hordhac u ahaa shir madaxeedka 16aad ee madaxda waddamada Farankofoonka, oo la filayo inay ka soo qayb galaan 37 madax oo dalalkaas ka kala socda.
Madaxda ayaa lagu wadaa inay maanta oo jimce ah soo gaaraan Madagaskar. C/raxiim Carte ayaa warkan ka soo diray Antananarivo.