Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Britain oo eedeysay Sacuudiga
Published
Xoghayaha arrimaha dibadda Britain Boris Johson ayaa dowladda Sacuudiga ku eedeeyey colaadda ay ku lug leedahay ee dalka Yemen.
Sida uu qoray wargayska the Guardian Mr Johnson ayaa dawladaha Sacuudiga iyo Iran ku dhaleeceeyey colaadaha ay ka hurinayaan wadanka Yemen.
Balse afhayeen wasaarada arrimaha dibadda ee Britain u hadlay ayaa sheegay in sacuudigu uu yahay saaxiib weyn oo Britain ay leedahay.