Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Dowlada federaalka oo ka hadashay wadahalada Ahlu Suna iyo Galmudug
Published
Wadahaladii u dhaxeeyay Ahlu suna iyo maamulka Galmudug ayaa lagu guuldaraystay inay ku heshiiyeen doorashada soo socota ee Galmudug ee lagu wado inay dhacdo 30-ka bishan.
Balse wasiirka arrimaha Gudaha iyo federaalka ayaa BBC-da u sheegay inay sii socon doonaan wadahadalada u dhaxeeya labada dhinac, inkastoo weli ay jiraan arrimo la isku qilaafsan yahay.
Cabdirisaaq Xaaji Catoosh ayaa haddabo arrintaasi ka wareystay wasiirka arrimaha gudaha ee dowlada federaalka, Cabdi Faarax Saciid Juxa.