Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Trump oo ballan qaaday in taageero u fidinayo gobolka Texas
Madaxweyne Donald Trump ayaa ballan qaaday in uu taageero buuxda u fidin doono gobolka Texa oo weli duufaanka Harvey ku fadhiyo.
Madaxweynaha oo u diyaar garoobaya in uu maanta oo Salaasa ah socdaal ku tago gobolka ayaa sheegay in badbaadinta nafta dadku tahay mudnaantiisa koobaad.
Waxaanu sheegay in uu dhamaan waxa awoodu u saamaxdo ee dhaqaale iyo qalab ah ba gacanta ka gelin doono maamulka gobolka.
Madaxweyne Trump wuxu sheegay in hawsha dib u dhiska gobolka duufaanku khasaaraha gaadhsiiyey noqon doonto mid dheer oo loo baahan doono in balaayiin Dollar golaha Congress-ku u ansixiyo sidii wax looga qaban lahaa masiibadaa dhacday.