Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Iran oo ku hanjabtay in ay tayayn doonto Uranium-keeda
Iran ayaa sheegtay in ay isku diyaarinayso in ay dardar geliso barnaamijkeeda tayaynta Uranium-ka hadii uu fashilmo heshiiskii ay la gashay quwadaha dunida.
Madaxweyne Trump ayaa hore uga baxay heshiiskaa. Waxaana haatan u socda Iran iyo dalalka Yurub wadaxaajood la doonayo in lagu dabaqabateeyo heshiiskaa.
Laakiin wakaaladda tamarka nukliyeerka ee Iran ayaa sheegtay in ay diyaar u yihiin tallaabooyinkii ay qaadi lahayd ee ay ku tayaynayso Uranium-ka hadii wadaxaajoodyada socdaa guul darraystaan.
Ma aha markii koobaad ee Tehran ka hadasho suurto galnimada ah in ay dardar geliso tayaynta Uranium-keeda, waxaanay had iyo goor beenisaa in ay leedahay damac ay ku hanato hub nukliyeer ah.