Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.

Igu celi boggaga ugu weyn

TOOS, Warbaahinta Mareykanka: Pentagon-ka oo si hoose u dhimaya tirada ciidamada Mareykanka ee saldhigyada Bariga Dhexe

Warbaahinta Mareykanka ayaa, iyadoo soo xiganaysa saraakiil milatari iyo kuwo dowladeed, sheegtay in Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ku ay si hoose u dhimayso tirada ciidamada ku sugan saldhigyada milatari ee Bariga Dhexe.

Kooban

  • Iran oo sheegtay inay Mareykanka wada-hadallo kula jirto iyada oo loo marayo Pakistan iyo Qatar
  • Trump: Waa inaan go'aamiyaa sida aan Iran uga adkaan lahayn, si kasta oo ay xaaladdu u adkaato
  • Cabbaas Araqchi: "Weli waxaan Mareykanka kula jirnaa wadaxaajood aan u mareyno Pakistan iyo Qadar"
  • Abiy Ahmed oo sheegay in Eritrea wajihi doonto cawaaqib xun hadii ay sii waddo 'ku tiirsanaanta wadamada kale'
  • Soomaali ku dhimatay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gobol lagu muransan yahay oo u dhaxeeyay Koonfurta Suudaan iyo Suudaan

Tebin toos ah

  1. IOM oo ka digtay in in ka badan 800,000 oo qof ay Soomaaliya ugu jiraan khatar barakac ka dhalan kara fatahaado

    Ku dhowaad 874,000 oo qof ayaa laga yaabaa in ay guryahooda ka barakacaan Soomaaliya saddexda bilood ee soo socda, daadad awgood. Waxaa arrintan ka digtay Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), iyadoo webiyada oo fatahaadaya iyo roobab xooggan ay khatar ku yihiin bulshooyin horeba ula tacaalayay abaaraha iyo barakac soo noqnoqday.

    “Waxaan ka cabsi qabnaa in boqollaal kun oo qof ay guryahooda ku waayaan muddo toddobaadyo ah. Qoysas badan ayaa hore u barakacay, mana haystaan wax badan oo ay ku tiirsanaadaan,” ayuu yiri Manuel Marques Pereira, madaxa IOM ee Soomaaliya.

    Wuxuu intaas ku daray in weli ay jirto fursad lagu yareyn karo saameynta fatahaadaha, balse waqtigu sii dhammaanayo. Wuxuu ku baaqay in si degdeg ah loo helo dhaqaale lagu caawiyo dadka si ay u ilaashadaan guryahooda iyo ilaha ay noloshoodu ku tiirsan tahay, una gaaraan goobo ammaan ah marka loo baahdo, si looga hortago barakac kale.

    Saadaal cusub oo ay soo saareen IOM iyo Golaha Qaxootiga Denmark (DRC) ayaa muujinaysa in 874,319 qof ay barakici karaan inta u dhexeysa bilaha Oktoobar iyo Diseembar. Fatahaadaha ayaa la filayaa in ay sababaan 92 boqolkiiba barakacaas.

    Digniintan ayaa timid xilli Soomaaliya ay galeyso xilli-roobaad la saadaaliyay in roobabku ka badnaan doonaan heerka caadiga ah, iyadoo ay sii xoogeysanayaan xaaladaha cimilada ee El Niño.

    Inkasta oo khatartu sii kordhayso, IOM waxay ilaa hadda heshay oo keliya 14.4 boqolkiiba lacagta loo baahan yahay, oo dhan 16.62 milyan oo doollar, si loogu diyaar garoobo loogana jawaabo fatahaadaha la xiriira El Niño.

    Lacagtan ayaa loogu talagalay in lagu taageero in ka badan 517,000 oo qof oo ku nool deegaannada Soomaaliya ee u nugul fatahaadaha.

    Calaamadaha fatahaadaha ayaa durba soo muuqanaya. Magaalada Doolow, webiga Jubba ayaa ku dhow heerka fatahaadda, halka webiga Shabeelle ee mara Jowhar uu kor ugu sii kacayo dhinacyada webiga.

    Roobab xooggan oo ka da’ay Baydhabo ayaa durba waxyeelleeyay guryo, waxayna qoysas ku khasbeen inay ka cararaan xaafado dhowr ah.

    Beledweyne iyo Gaalkacyo ayaa ka mid ah deegaannada ay fatahaaduhu khatarta ugu badan ku hayaan, iyadoo la saadaalinayo in ku dhowaad 229,000 oo qof ay halis ugu jiraan barakac Beledweyne, halka Gaalkacyo ay khatartu ku wajahan tahay qiyaastii 82,000 oo qof.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  2. Netanyahu oo sheegay in khatarta Iiraan lagu soo afjari karo oo keliya in xukunka laga tuuro dowladda, isagoo amarro siiyay Mossad

    Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, ayaa sheegay in sida keliya ee meesha looga saari karo khatarta Iiraan ay tahay in xukunka laga tuuro dowladda dalkaas.

    Isagoo khudbad ka jeedinayay isu-soo-bax doorasho oo ka dhacay magaalada Dimona ee koonfurta Israa’iil, ayuu Netanyahu sheegay in Iiraan ay dooneysay inay Israa’iil burburiso, balse Israa’iil ay xooggeeda oo dhan u adeegsatay sidii ay taas uga hortagi lahayd.

    Waxa uu sidoo kale sheegay in Iiraan ay isku dayaysay inay samaysato hub nukliyeer ah, arrintaas oo uu sheegay in laga hortagay, balse dadaalladaasi ay weli socdaan.

    Netanyahu oo maalmihii u dambeeyay sii adkeynayay hadalladiisa ka dhanka ah Iiraan ayaa yiri: “Waxaa jirta hal waddo oo keliya oo lagu soo afjari karo xaaladdan taagan, waana in xukunka laga tuuro dowladda Iiraan.”

    Waxa uu sheegay inuu amarro arrintan la xiriira siiyay ciidamada Israa’iil, hay’adda sirdoonka Mossad iyo dhammaan hay’adaha amniga dalkaas.

    Hase yeeshee, ra’iisul wasaaruhu ma uusan caddeyn goorta iyo sida amarradaasi loo fulin doono.

    Iiraan ayaa muddo dheer beeninaysay eedeymaha sheegaya inay dooneyso inay samaysato hub nukliyeer ah.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  3. Weerar gantaallo ah oo Ruushku ku qaaday Kyiv oo dhaawacay ugu yaraan lix qof

    Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhaawacmay weerar cusub oo gantaallo ah oo lagu qaaday caasimadda Ukraine ee Kyiv.

    Duqa magaalada Kyiv, Vitali Klitschko, ayaa sheegay in dhowr dhisme oo ay dadku deggan yihiin ay waxyeello ka soo gaartay weerarka oo dhacay habeenkii Arbacada.

    Weerarkan ayaa dhacay xilli Ruushku sheegay inuu mabda’ ahaan diyaar u yahay inuu dib u bilaabo wadahadallada nabadeed, halka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in dunidu ay u badan tahay inay hadda ugu dhowdahay sidii hore in la soo afjaro dagaalka.

    Arrintan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo ergayada Trump, Steve Witkoff iyo Jared Kushner, ay wadaan dadaallo diblomaasiyadeed oo cusub.

    Witkoff ayaa Arbacadii magaalada Saint Petersburg kula kulmay madaxweynaha Ruushka, Vladimir Putin, kaddib markii uu maalin ka hor la kulmay madaxweynaha Ukraine.

    Wadahadallo saddex geesood ah oo ay ka qaybgalayeen Ruushka, Ukraine iyo dhinacyo kale ayaa burburay bishii Febraayo. Intaas kaddib, Ruushku wuxuu kordhiyay weerarradiisa, halka Ukraine ay soo wajahday yaraanta gantaallada difaaca cirka ee ay ka hesho dalalka reer Galbeedka.

    Trump oo Arbacadii hadlayay ayaa yiri: “Dhowr maalmood ka hor ayaan Vladimir Putin kala hadlay sidii loo soo afjari lahaa dagaalka Ukraine. Waxaan u maleynayaa inaan ku sii dhowaanayno hadafkaas, laga yaabee inaan hadda ugu dhow nahay sidii hore.”

    Hase yeeshee, madaxweynaha Mareykanka ayaan ilaa hadda ku guuleysan inuu soo afjaro dagaalka Ruushka iyo Ukraine, inkastoo uu marar badan sheegay inuu awood u yeeshay inuu soo afjaro colaado kala duwan.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  4. Macron oo hogaamiyayal shisheeye ku eedeeyay rabshadaha ka socda faransiiska

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa hoggaamiyeyaal shisheeye ku eedeeyay inay si siyaasadeed uga faa’iidaysanayaan dibadbaxyada ka socda dalkiisa, si ay taageero ugu helaan doorashooyinka ka dhacaya dalalkooda.

    Macron oo aan magacyadooda sheegin ayaa sheegay in hoggaamiyeyaashaas ay hadalladooda ku saabsan rabshadaha ka dhashay dibadbaxyada looga soo horjeedo sare u kaca qiimaha maciishadda u adeegsanayaan ololahooda doorasho, iyagoo taas ku samaynaya waxyeellada Faransiiska.

    Isagoo booqasho ku jooga Bariga Dhexe, ayuu Macron hoggaamiyeyaashaas ku tilmaamay “kuwo ku mashquulsan ololaha doorashooyinka, ha joogaan gobolkan ama dhinaca kale ee Badweynta Atlaantik”.

    Hadalka Macron ayaa u muuqda mid si gaar ah loogu jeediyay ra’iisul wasaaraha Israa’iil, Benjamin Netanyahu, oo wajahaya doorashooyinka baarlamaanka toddobaadka soo socda, iyo madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, oo dalkiisu bisha soo socota u dareerayo doorashooyinka xilliga dhexe ee Congress-ka.

    Tan iyo markii ay rabshaduhu ka qarxeen magaalada Paris iyo magaalooyin kale oo ay ka mid yihiin Lyon, Marseille iyo Nice, ku dhowaad 150 qof ayaa lagu helay dambi, halka in ka badan 800 oo qof maxkamad la soo taagay.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  5. “Trump oo xabsi ku jira”: Boor xayaysiis oo muuqaal toos ah laga daawanayo oo laga furay fagaaraha Tajrish ee Tehran

    Dowladda ama hay’adaha Iiraan ayaa fagaaraha mashquulka badan ee Tajrish, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Tehran, ku rakibay boor xayaysiis oo saddex-geesood ah, kaas oo muujinaya qof wejiga madaxweynaha Mareykanka Donald Trump u eg oo xiran maaskaro, kuna dhex socda meel u ekeysiisan qol xabsi.

    Dadka halkaas maraya ayaa istaaga si ay u daawadaan muuqaalka una sawirtaan.

    Bandhiggan ayaa la daahfuray Arbacadii, 19-kii Oktoobar. Qaar ka mid ah dadka isticmaala barta X ayaa sheegay in dhismaha boorkan uu socday muddo bil ah.

    Wakaaladda wararka ee Mehr ayaa sheegtay in bandhiggan la qorsheeyay inuu socdo 24 saacadood maalintii. Waxaa dhinaciisa ku qoran hal-ku-dhegga ah: “In aan la arkin muuqaalkan waa dembi.”

    Xayaysiiskan tooska ah ayaa sidoo kale soo jiitay dareenka warbaahinta caalamka, iyadoo wakaaladaha wararka ee Reuters iyo Agence France-Presse, iyo sidoo kale wargeyska Guardian ee ka soo baxa London, ay wax ka qoreen.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  6. Warbaahinta Mareykanka: Pentagon-ka oo si hoose u dhimaya tirada ciidamada Mareykanka ee saldhigyada Bariga Dhexe

    Warbaahinta Mareykanka ayaa, iyadoo soo xiganaysa saraakiil milatari iyo kuwo dowladeed, sheegtay in Wasaaradda Difaaca Mareykanka ee Pentagon-ku ay si hoose u dhimayso tirada ciidamada ku sugan saldhigyada milatari ee Bariga Dhexe.

    Telefishinka CBS, oo ah warbaahin Mareykan ah oo ay BBC-da iskaashi la leedahay, ayaa sheegay in sarkaal ka tirsan dowladda Mareykanka iyo sarkaal sare oo milatari ay Arbacadii u sheegeen in ciidamada Mareykanku ay si hoose u dhimayaan tiradooda saldhigyada milatari ee Bariga Dhexe.

    Tallaabadan ayaa timid iyadoo ay jiraan hanjabaado amni oo gobolka ka jira, oo ay ka mid yihiin kuwa kooxda Xuutiyiinta iyo hanjabaado toos ah oo ka imanaya Iiraan.

    Dhanka kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa amartay in shaqaalaha aan muhiimka ahayn ee dowladda Mareykanka laga saaro dalka Sacuudiga.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  7. War cusub oo ku saabsan kulan uu qayb ahaa hoggaamiyaha sare ee Iiraan oo la shaaciyey

    Sida ay sheegtay Wakaaladda Raadiyaha iyo Telefishinka Iran, Mohammad Baqer Qalibaf, guddoomiyaha Golaha Wadatashiga Islaamiga ah ee Iran, ayaa kulan iyo wada-hadallo la yeeshay Mojtaba Khamenei, hoggaamiyaha ugu sarreeya Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran.

    Sida lagu sheegay warbixinta, kulanka waxaa looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee la xiriira colaadda u dhexeysa Maraykanka iyo Iran, iyo sidoo kale arrimaha dhaqaalaha.

    Warbaahinta Iran (IBC) ayaa intaas ku dartay in guddoomiyaha baarlamaanku uu Mojtaba Khamenei u soo bandhigay warbixinno ku saabsan hawlihii ay xildhibaannadu qabteen tan iyo markii uu dagaalku billowday, iyo qorshayaasha baarlamaanka ee hadda iyo kuwa mustaqbalka ee lagu xallinayo arrimaha iyo dhibaatooyinka dalka.

    Mojtaba Khamenei ayaan fagaarayaasha ka soo muuqan tan iyo markii uu la wareegay xilka hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran.

  8. Codsi Pakistan u gudbisay Iiraan oo la ogaaday

    Wakaaladda wararka Anadolu ee Turkiga ayaa, iyadoo soo xiganaysa ilo laga soo xigtay Pakistan, sheegtay in taliyaha ciidanka Pakistan, Asim Munir, uu intii uu booqashadii dhowaan ku tegay Tehran ku sugnaa, Iran ka codsaday inay Xuutiyiinta Yemen ku qanciso inay joojiyaan weerarrada ay ku hayaan Sacuudiga.

    Isha xogta bixisay ayaa intaas ku dartay in Mr Munir uu “adkeeyay sida ay Pakistan uga go’an tahay difaaca Sacuudiga, iyadoo la raacayo heshiiska difaaca ee Maka”.

    Pakistan, Turkiga iyo Sacuudiga ayaa sanadka magaalada Maka ku kala saxiixday heshiis dhigaya inay is-difaacaan.

    Sida aan horay u soo sheegnay, wargeyska Pakistan ee Dawn ayaa cadadkiisa maanta ku qoray in ujeeddada booqashadii uu shalay Munir ku tegay Tehran ay ahayd inuu “gaarsiiyo farriimo”, isla markaana uu qiimeeyo in is-afgaradkii Islamabad uu weli saldhig u noqon karo wadaxaajoodka.

    Hase yeeshee, wargeysku wuxuu sheegay in kulamadii kaddib aan la gaarin “horumar la taaban karo ama heshiis rasmi ah”.

  9. Madaxweynaha Faransiiska oo booqasho lama filaan ah ku tagay Sacuudiga

    Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa booqasho aan hore loo sii shaacin ku tegay magaalada Riyadh ee Sacuudiga, si uu u muujiyo “garab istaag”.

    Waa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee reer Galbeed ah ee booqda Sacuudiga tan iyo markii ay sii xoogaysteen weerarrada fallaagada Xuutiyiinta ee xulafada la ah Iran. Macron ayaa la kulmi doona dhaxal-sugaha Sacuudiga, Amiir Maxamed bin Salmaan.

    Booqashadani waxay qayb ka tahay safarka madaxweynaha Faransiiska uu ku marayo dalalka Khaliijka, kaas oo ujeeddadiisu tahay sidii loo xaqiijin lahaa sahayda shidaalka iyo naaftada, loona dhimi lahaa qiimahooda, kaddib mudaaharaadyo rabshado wata oo ka dhacay Faransiiska, kuwaas oo looga soo horjeeday kor u kaca xad-dhaafka ah ee qiimaha maciishadda.

    Macron, oo wajahaya dhaleeceyn xooggan gudaha Faransiiska, ayaa weriyeyaasha u sheegay inuu “gudanayay waajibaadkiisa” isla markaana uu ku sugnaa “goobta hawlgalku ka socdo”.

    Bayaan ay xafiiska madaxtooyada Faransiisku soo saartay ka hor imaanshaha Macron ee Sacuudiga ayaa lagu sheegay in ujeeddada safarku tahay “in la muujiyo garab istaagga Faransiiska ee Boqortooyada Sacuudiga, iyadoo ay wajahayso weerarrada Xuutiyiinta ee ka dhanka ah dhulkeeda, iyo in la sii wado dadaallada lagu xaqiijinayo laguna kala duwanaansho ilaha shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah”.

    Ka hor inta uusan Sacuudiga tegin, Emmanuel Macron wuxuu joogay Qatar, halkaas oo uu kaga dhawaaqay in Faransiisku shaqaale iyo qalab u diray dekedda Yanbu, oo ah xarun aad muhiim ugu ah dhoofinta shidaalka Sacuudiga.

  10. Maxey seynisyahannada iyo cilmi-baarayaashu ka yiraahdeen arrintan hebeenkii ku dhacda ragga?

    Cilmi-baaris ay sameeysay Jaamacadda Shu Yen ee Hong Kong oo cinwaankeedu yahay "Riyooyinka galmada, riyooyinka qoyan iyo biyo-baxa habeenkii" ayaa baaraysa sababta ay raggu ugu biyo-baxaan hurdada.

    Boqolkiiba 80 dadka ka qaybgalay cilmi-baaristan waxay sheegeen in riyooyinka galmada ay sabab u ahaayeen biya-baxooda inta ay hurdaan.

    Inkastoo la aaminsan yahay in dhalinyarada dugsiyada sare iyo jaamacadaha ay yihiin kuwa ugu badan ee riyooyinka la kulma, haddana cilmi-baaristu waxay ogaatay inay celcelis ahaan 9 jeer sannadkii ku riyoodaan arrimo la xiriira galmo khiyaali ah.

    Cilmi-baaristu sidoo kale waxay muujinaysaa in inkastoo galmadu tahay qayb muhiim ah oo nolosha aadamaha ka mid ah, haddana aad bay ugu yar tahay inay ku soo muuqato riyooyinka.

    "Jirka ninka si dabiici ah ayuu u soo saaraa shahwo. Xitaa haddii uusan ninku galmo sameyn ama si gaar ah isu taaban, shahwada la soo saaray waxay ka baxdaa jirka xilli uu hurdo. Arrintani waa caadi," ayuu yiri Dr. Kamaraj oo ah khabiir ku takhasusay caafimaadka galmada iyo taranka.

  11. Iiraan oo shaacisay inay wax ka beddeshay nidaamkeedii hore ee is difaaca, maxayse samaynayaan

    Afhayeenka Ciidanka Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran (IRGC) ayaa sheegay in caqiidada difaaca Iran ay markii hore ahayd mid ku salaysan is-difaacid, isla markaana ay sheegi jireen in haddii dal soo weeraro ay ka jawaabi doonaan, balse hadda ay leeyihiin haddii dal soo weeraro ay ka jawaabi doonaan, sidoo kalena ay iyagu weerari doonaan.

    Sareeye Guuto Hossein Mohebbi, oo sharraxayay siyaasaddan, ayaa wakaaladda wararka u sheegay: “Caqiidadeennu mar dambe ma ahaan doonto mid weerar toos ah ku salaysan, balse waxay noqon doontaa mid aan sinnayn (asymmetric). Waxaan cadowga u weerari doonnaa qaab ka dhigaya inuu garwaaqsado culayska iyo baaxadda tallaabooyinkayaga.”

    Maalmihii u dambeeyay, iyadoo ay sii xoogaysanayaan hanjabaadaha milatari ee Israa’iil iyo Maraykanka, ayaa mas’uuliyiinta Iran waxay dhankooda adeegsadeen hadallo hanjabaad ah oo ay kaga jawaabayaan.

  12. Shirkad macaamiisheeda ku soo rogaysa inay wax dalbadan ka hor inta aysan fariisan kuraastooda

    Shirkadda Starbucks ayaa Shiinaha oo dhan macaamiisheeda ku soo rogeysa siyaasad cusub, taas oo dhigaysa in macaamiishu ay wax ka iibsadaan shirkadda ka hor inta aan loo oggolaan inay kuraasteeda fariistaan.

    Isbeddelkan ayaa imanaya xilli shirkadda qaxwaha ee Maraykanku ay wajahayo tartan xooggan oo ka jira Shiinaha, halkaas oo ay sidoo kale ku bixinayso 45 milyan oo doollar si ay u casriyeyso goobaha ay ku leedahay.

    Shirkaddu waxay sheegtay in haweenka uurka leh iyo dadka naafada ah ay weli heli doonaan taageerada ay u baahan yihiin.

    Sannadkii hore, Starbucks ayaa dib uga laabatay siyaasad ka dhaqan gashay Maraykanka, taas oo qof kasta u oggolaanaysay inuu isticmaalo goobaha ay shirkaddu ku iibiso qaxwaha, barxadaha bannaanka iyo musqulaha.

  13. Ruushka oo sii daayey muwaadin Maraykankan ah xilli ergeyga Trump joogo dalkaas

    Ruushka ayaa sii daayay muwaadin Mareykan ah oo 74 jir ah, kaas oo xabsi loo taxaabay isaga oo lagu eedeeyay inuu u dagaallamayay Ukraine, xilli Madaxweyne Vladimir Putin uu magaalada St Petersburg wada-hadallo kula yeeshay ergayga Mareykanka Steve Witkoff.

    Stephen Hubbard ayaa la geeyay garoonka diyaaradaha ee Pulkovo, sida uu Putin sheegay intii uu socday kulanka subaxnimadii hore ee Arbacada.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa markii dambe sheegay in muwaadinkaas uu “ku soo socdo dalkiisa”, isla markaana “aan loo baahnayn wax is-weydaarsi maxaabiis ah”.

    Hubbard ayaa sannadkii 2024 lagu xukumay ku dhowaad toddoba sano oo xabsi ah oo uu ku qaadan lahaa xero ciqaabeed. Waxaa lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa cutub difaac oo ku sugnaa magaalada Izyum ee Ukraine, xilligaas oo ciidamada Ruushku ay qabteen wax yar kaddib markii Moscow ay billowday duullaankii ballaarnaa ee Ukraine sannadkii 2022.

    Trump ayaa qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada kaddib markii warbaahinta dowladda Ruushku ay baahisay warka sii deynta Hubbard, ku sheegay in tallaabadan ay timid kaddib codsi uu toddobaadkii hore “si toos ah” ugu gudbiyay Putin.

    Qaar ka mid ah muwaadiniinta kale ee Mareykanka ee Ruushka ku xirnaa ayaa hore loo sii daayay kaddib heshiisyo is-weydaarsi maxaabiis ah.

  14. Dal kale oo xaqiijiyey kiis cudurka Ebola ah

    Nigeria ayaa xaqiijisay kiis Ebola ah oo laga helay haweeney ka soo safartay dalka Uganda ee Bariga Afrika, tagtayna magaalada Abuja, caasimadda dalkaas ku yaalla Galbeedka Afrika.

    Wasiirka Caafimaadka Nigeria, Muhammad Ali Pate, ayaa sheegay in baaritaannada shaybaarka ay xaqiijiyeen in bukaanku uu qabo cudurka.

    Ilo caafimaad oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in haweeneydu aysan u dhalan Nigeria, isla markaana ay tahay xaaska diblomaasi. Waxaa lagu karantiilay isbitaal ku yaalla Abuja, halkaas oo ay ku qaadanayso daryeel caafimaad.

    Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), haweeneydu waxay calaamadaha cudurka isku aragtay Arbacadii, 7-dii Oktoobar, afar maalmood kaddib markii ay dalka timid.

    Hay’adaha caafimaadka ayaa bilaabay raadraaca dadka ay la xiriirtay haweeneydu, si looga hortago faafitaanka cudurka. Ilaa hadda, waxaa la aqoonsaday 44 qof oo xiriir dhow la yeeshay bukaanka.

    Nigeria ayaa noqotay waddankii ugu horreeyay ee Galbeedka Afrika ee soo sheega kiis la xiriira dillaaca Ebola ee hadda ka jira Bariga Afrika. Dalkaasi wuxuu si guul leh u xakameeyay dillaac hore oo cudurka ah sannadkii 2014.

    Dhanka kale, Wasaaradda Caafimaadka Uganda ayaa adkaysay in xilligan aysan jirin kiisas Ebola ah oo si rasmi ah looga xaqiijiyay dalkaas, kuwaas oo weli firfircoon.

  15. Ruushka oo ku dhawaaqay war farxad weyn u ah Trump

    Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Ruushka, Alexander Novak, ayaa sheegay in Ruushku uu Khamiista u diri doono Maraykanka markabkii ugu horreeyay ee shidaalka naaftada qaada, sida ay baahisay warbaahinta Vedomosti, kaddib heshiis lala galay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump.

    Ruushka ayaa 9-kii Oktoobar qaaday mamnuucid uu isagu saaray dhoofinta shidaalka naaftada. Mamnuuciddaas ayaa markii hore loo soo rogay si wax looga qabto yaraanta shidaalka ee gudaha dalka, taas oo ay sababeen weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Ukraine ay ku qaadday warshadaha sifaynta shidaalka.

    Tallaabadan ayaa timid kaddib markii Trump uu ku baaqay in shidaalka naaftada la gaarsiiyo suuqyada caalamka.

    Trump ayaa sheegay in Ruushku uu isla markiiba dhoofin doono 300,000 oo tan oo shidaalka naaftada ah, taas oo u dhiganta 2.25 milyan oo fuusto.

    Dhanka kale, Novak ayaa Arbacada sheegay in markabka ugu horreeya uu qaadi doono 40,000 oo tan oo shidaalkaas ah. Wuxuu intaas ku daray in dukumentiyada la xiriira sahayda shidaalka ay ku dhow yihiin in la dhammaystiro, sida ay warbaahintu soo werisay. Hase yeeshee, ma uusan sheegin dekedda laga rari doono shidaalka.

    “Shixnado kale ayaa dabcan xigi doona. Labada hoggaamiye ayaa heshiisyo gaaray. Waxaan dabooli doonnaa baahida Maraykanka inta ay awooddeennu saamaxayso,” ayay wakaaladda wararka ee RIA soo xigatay.

    Trump ayaa sidoo kale sheegay in Ruushku uu bisha Nofeembar dhoofin doono 500,000 oo tan, halka hal milyan oo tan oo kale la dhoofin doono isla markiiba kaddib.

  16. Dowladda Ciraaq oo qaaday tallaabo culus oo ka dhana Xuutiyiinta Yemen

    Warar ayaa sheegaya in dowladda Ciraaq ay xayiraado ku soo rogtay wakiillada Xuutiyiinta Yemen ee ku sugan magaalada Baqdaad, iyadoo ka mamnuucday inay dhulkeeda ka fuliyaan dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo kuwo warbaahineed.

    Sida ay wararku tilmaamayaan, awaamiirtan waxay khuseeyaan xubno ka tirsan Xuutiyiinta oo Ciraaq ku sugnaa tan iyo sannadkii 2018, kuwaas oo qayb ka ah urur lagu magacaabo “Xafiiska Wakiillada Ansarullah”.

    Waaxda BBC Monitoring ayaa soo xigatay wargeyska internet-ka ee Al-Arabi Al-Jadeed, oo xaruntiisu tahay London, balse laga leeyahay dalka Qatar, kaas oo sheegay in sarkaal Ciraaqi ah uu sheegay in tallaabooyinkan ay mamnuucayaan xubnaha dhaqdhaqaaqa Xuutiyiinta ee ay taageero Iiraan, kuwaas oo ku nool Ciraaq, inay qabtaan kulammo, shirar jaraa'id ama ay fuliyaan dhaqdhaqaaqyo ka baxsan xeerarka iyo shuruucda deggenaanshaha ee Ciraaq.

    Sarkaalku wuxuu sharaxay in dowladda Ciraaq ay u cayintay wakiillada kooxda goobo gaar ah oo ay degganaadaan, isla markaana ay ku amartay inay hore ugu wargeliyaan qorshayaashooda ka hor inta aysan safar gelin.

    Horaantii toddobaadkan, qaraar ka soo baxay shir ay wasiirrada arrimaha dibadda ee Ururka Iskaashiga Islaamka ku yeesheen Baqdaad ayaa ugu baaqay dalalka xubnaha ka ah ururka inay ka fogaadaan fududeynta safarka wakiilka Xuutiyiinta ee ku sugan Tehran, isla markaana ay “ku wareejiyaan dowladda Jamhuuriyadda Yemen haddii uu ku sugan yahay dhulkooda”.

  17. Xuutiyiinta Yemen oo war ka soo saaray weerar Sacuudigu ku eedeeyey

    Afhayeen u hadlay fallaagada Xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay in kooxdaasi aysan Arbacadii wax diyaarado aan duuliye lahayn u dirin Madiina ee dalka Sacuudiga, isla markaana aysan wax hawlgallo militari ah ka fulin dalkaas.

    Hadalkan waxaa jeediyay Yahya Saree, afhayeenka milatariga Xuutiyiinta, kaddib markii isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo uu horay u shaaciyay inuu dhexda ugalay oo uu qabtay shan diyaaradood oo aan duuliye lahayn, kuwaas oo ku wajahnaa Sacuudiga.

    Gobolka Madiina ayaa lagu sheegay inuu ka mid ahaa goobihii la beegsaday weerarradan.

    “Afarta diyaaradood ee aan duuliyaha lahayn ee ku wajahnaa Boqortooyada Sacuudiga waa la dhex galay, waana la burburiyay,” ayuu Turki al-Maliki, afhayeenka isbahaysiga uu Sacuudigu hoggaamiyo, ku qoray farriin uu ku baahiyay barta X.

    Farriin labaad oo uu soo saaray ayuu ku sheegay in diyaaradahaas lagu dhexda lagu qabtay gobolka bari ee Sacuudiga iyo gobolka Madiina.

    Isagoo aan sheegin cidda ka dambaysay weerarrada, ayuu al-Maliki markii dambe shaaciyay in diyaarad kale oo aan duuliye lahayn lagu soo dhexgalay bariga Sacuudiga

  18. Itoobiya oo soo xushay saddex goobood oo laga dhisayo xarumaha tamarta nukliyeerka

    Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in la baaray in ka badan 30 goobood oo loo qorsheeyay in laga dhiso xarumaha tamarta nukliyeerka, balse ugu dambayn la soo xulay saddex goobood.

    Abiy ayaa hadalkan sheegay Arbacadii, intii uu booqashada ku joogay xarunta Guddiga Tamarta Nukliyeerka ee dalkaas.

    Waxa uu sheegay in Itoobiya ay hadda heer wanaagsan ka gaartay dhismaha hay’adaha iyo qaab-dhismeedka looga baahan yahay horumarinta tiknoolajiyadda nukliyeerka.

    Sida uu sheegay, waxaa la sameeyay koox cilmi-baaris ah, shirkadna si sharci ah ayaa loo aasaasay. Waxaa sidoo kale la magacaabay shaqaalaha iyo maamulayaasha, iyadoo la dhammaystiray qaab-dhismeedka xafiisyada iyo maamulka shaqaalaha.

    Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sheegay in goobihii hore loo aqoonsaday ay markii dambe ka yaraadeen 30, loona soo koobay 13, ka dibna shan, ugu dambayna laga soo xulay saddex goobood.

    Hase yeeshee, wuxuu sheegay in Itoobiya aysan keligeed go’aamin karin in goobahaasi ku habboon yihiin dhismaha xarumaha tamarta nukliyeerka.

    “Ma xaqiijin karno in goobahan ay yihiin kuwa ku habboon. Waa in shirkado shisheeye ay qiimeeyaan goobaha la soo xulay, ayna xaqiijiyaan ku habboonaantooda,” ayuu yiri Abiy.

    Waxa uu intaas ku daray in marka la xaqiijiyo ku habboonaanta goobta la doortay, ay lagama maarmaan noqon doonto in goobta loo diyaariyo mashruuca, isla markaana heshiis lala saxiixdo shirkad bixisa tiknoolajiyadda nukliyeerka.

    Abiy ayaa sheegay in mashaariicda tamarta nukliyeerka, sida Biyo-xireenka weyn ee Itoobiya ee GERD, aan lagu dhammaystiri karin waqti gaaban ama heshiis keliya oo shirkad lala galo.

    “Waxay ku lug leedahay hay’ado badan oo xirfadeed iyo kuwo tacliimeed, iyo qaybo kala duwan. Waa mashruuc muddo dheer qaadanaya, una baahan shaqaale badan iyo diyaargarow ballaaran,” ayuu yiri.

    Farriin uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in hay’adda tamarta nukliyeerku ay door istaraatiiji ah oo muhiim ah ku leedahay hiigsiga horumarineed ee Itoobiya muddada dheer.

    Itoobiya ayaa muddo dheer lagu tilmaami jiray dal leh khayraad dabiici ah oo aad u badan. Abiy ayaa sheegay in marxaladda cusub ay tahay sidii khayraadkaas loogu beddeli lahaa horumar la taaban karo, koboc tiknoolajiyadeed iyo barwaaqo ay bulshadu wadaagto.

    Itoobiya ayaa 4-tii May bilowday qorshaha dhismaha xarun tamarta nukliyeerka laga dhaliyo.

    Markii uu daahfurayay mashruuca, Abiy wuxuu sheegay in tamarta nukliyeerka loo adeegsan doono ujeeddooyin nabadeed oo keliya.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  19. Xuutiyiinta oo weeraray xarun tababar oo ay leeyihiin ciidamada dowladda Yemen, kuna dilay askar badan

    Ugu yaraan 73 qof ayaa lagu dilay weerar ay Xuutiyiintu ku qaadeen xarun tababar oo ay ciidamada dowladda Yemen ku lahaayeen gobolka Shabwa, sida ay warbaahinta maxalliga ahi sheegtay.

    Mas’uuliyiinta deegaanka ayaa sheegay in saddex gantaal oo kuwa riddada dheer ah lagu dhuftay xarunta tababarka.

    Weerarka ayaa dhacay Axaddii, waxaana tan iyo xilligaas sii kordhay tirada dadka ku dhintay.

    Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa xaqiijisay muuqaallo muujinaya askar dhaawac ah iyo meydad dhulka daadsan.

    Guddoomiyaha gobolka Shabwa, Cawad Al-Wazir, ayaa sheegay in in ka badan 200 oo qof ay ku dhaawacmeen weerarka.

    Afhayeenka Xuutiyiinta, Yahya Saree, ayaa sheegay in xarunta tababarka ay weerareen ciidamada Sacuudiga.

    Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaan markiiba ka jawaabin codsi faallo looga dalbaday.

    Wararka kale ee dheeraadka:

  20. Madadaalo iyo goolal badan: Champions League oo dhigay rikoor cusub

    Tan iyo markii bilowgii xilli ciyaareedkii 2024-2025 la hirgeliyay qaabka cusub ee tartanka Champions League, waxaa tartanka ka dhacay waxyaabo badan oo ay taageerayaashu xiiseeyaan.

    Hase yeeshee, waxa sida gaarka ah u muuqda xilli ciyaareedkan waa kororka weyn ee goolasha la dhalinayo.

    Ilaa hadda, waxaa tartanka laga dhaliyay 187 gool, taas oo celcelis ahaan u dhiganta 4.16 gool kulan kasta. Waa celceliskii ugu sarreeyay ee abid laga diiwaangeliyo taariikhda Champions League.

    “Marka aad eegto tirada goolasha ay dhalinayaan, waa wax lala yaabo,” ayuu yiri Ashley Young, oo hore ugu ciyaari jiray Manchester United iyo xulka England, u sheegay BBC Radio 5 Live.

    Waxa uu intaas ku daray in weeraryahannadu ay si weyn diiradda u saarayaan fursadaha gool dhalinta.

    Stephen Warnock, oo hore ugu ciyaari jiray difaaca Liverpool, ayaa isaguna tirada goolasha ku tilmaamay mid aan caadi ahayn. Hase yeeshee, su’aashu waxay tahay: arrintani ma wax ku kooban xilli ciyaareedkan oo keliya ayay tahay?

    Maxay tirakoobyadu muujinayaan?

    Celceliska hadda ah ee 4.16 gool kulan kasta ma aha oo keliya rikoor cusub oo Champions League ah, balse sidoo kale waa celceliskii saddexaad ee ugu sarreeyay taariikhda tartanka Yurub ee European Cup.

    Kaliya laba xilli ciyaareed ayaa laga diiwaangeliyay celcelis ka sarreeya: xilli ciyaareedkii 1955-1956, oo celceliskiisu ahaa 4.38 gool kulan kasta, iyo kii 1959-1960, oo ahaa 4.19 gool.

    Goolasha ayaa weli ku socda xawaare aad u sarreeya. Talaadadii, sagaal kulan oo keliya ayaa laga dhaliyay 40 gool.

    Hase yeeshee, maalintii ugu goolasha badnayd waxay ahayd Arbacadii toddobaadkii hore, markaas oo la dhaliyay 46 gool. Taasi waa tiradii saddexaad ee ugu badnayd ee hal maalin laga dhaliyo taariikhda tartanka.

    Marka la isku daro kulamadii Talaadada iyo Arbacada ee toddobaadkii hore, waxaa la dhaliyay 78 gool. Taasi waxay wareegga labaad ka dhigtay wareeggii ugu goolasha badnaa ee abid laga diiwaangeliyo tartanka.

    Tiradaasi waxay sagaal gool ka badan tahay 69-kii gool ee la dhaliyay wareeggii koowaad ee xilli ciyaareedkan.

    Waqtigaas, wareegga koowaad ayaa hore u noqday kii labaad ee ugu goolasha badnaa tan iyo markii la hirgeliyay nidaamka cusub ee heerka horyaalka xilli ciyaareedkii 2024-2025.

    Wararka kale ee dheeraadka: