Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Baarlamaanka Libya ee magaalada Tobruk oo u codeeyay kalsoonida oo ay kala noqdeen dowladda Libya ee aqoonsiga haysata
Published
Afhayeenka baarlamaanka Libya ee saldhigiisu yahay magaalada bariga ee Tobruk, ayaa sheegay in baarlamaanka uu u codeeyay inay kala noqdeen kalsoonida dowladda Libya ee ay Qaramada Midoobay taageerto.
Saamaynta ay codayntan yeelanayso lama hubo. Laakiin waxaa loo arkaa dib u dhac ku yimid dadaalka Qaramada Midoobay ay ugu jirto inay dowlad ka hirgaliso magaalo madaxda Tripoli, taasoo ujeedadu tahay inay joojiso dagaalka sokeeye iyo inay midayso waddanka.