Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Kenya ayaa sheegtay inay dhoofin doonto shidaal sanadka danbe
Published
Kenya ayaa sheegtay in ay dhoofin doonto shidaal markii ugu horaysay bisha June sanadka danbe.
Waxay soo saari doontaa marka hore kumanaan barbiil maalintii, laakiin madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in wadanka uu doonayo inuu noqdo wadan dhoofiya shidaal badan laba sano gudaheed.
Shidaalka, oo laga helay afar sano ka hor galbeedka Kenya ee Lokichar, ayaa lagu soo qaadi doonaa baabuur iyadoo la keenayo dekadda Mombasa ilaa la dhameeyo dhuun aada Lamu oo la dhisayo.
Horaantii sanadkan Uganda ayaa ku dhawaaqday inay dhisayso dhuun shidaal oo gaaraysa Tanzania.