Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Soomaaliya oo sameysay qorshe cusub oo lagula dagaallo xagjirnimada
Published
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa si rasmi ah u furay qorshaha istraatijiyadda qaran ee looga hortagayo, lagulana dagaallamayo xagjirnimada rabshadaha wadata. Wuxuu sheegay in qorshahaas uu yahay mid hoos u dhigaya dhibaatooyinka ka dhasha afkaarta xag jirka ah.
Qorshahaas dadka wada waxaa ka mid ah Injineer C/raxmaan Yariisow oo ka mid ah la taliyeyaasha xukuumadda.
Weriyaha BBC-da, Axmed Xaji Xasan ayuu uga warramay waxa qorshaha uu yahay.