Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Alshabaab oo soo daysay filin muujinaya askari reer Uganda
Published
Alshabaab ayaa soo daysay filin gaaban oo laga arkayo askari ay sheegtay inuu yahay askari reer Uganda oo la qabtay sanad ka hor.
Filin lix daqiiqo ah, ayaa nin xiran dharka milatariga ee Uganda uu waydiisanayaa madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni inuu ka caawiyo sii dayntiisa.
Wuxuuu sheegay in lagu qabtay weerarkii Alshabaab ee saldhiga milatariga ee AMISOM ee Janaale, oo uu sheegay inay ku dhinteen afartan ilaa konton askari.
Madaxa ciidamada Uganda ayaa sheegay inuusan arag filinka, laakiin la samaynayo wax walba oo lagu soo dayn karo askariga la haysto.