Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Pakistan oo mamnuucday isticmaalka warbaahinta Hindiya
Published
Dowladda Pakistan ayaa shaacisay in wixii ka billowdo maanta ay mamnuucday dhageysiga iyo daawashada wararka xarumaha warbaahinta laga leehay dalka Hindiya.
Mamanuucidani ayaa ah mid gabi ahaanba aan kala soocayn warabaahinta Hindiya , waxaana xitaa ku jira ruwaayadaha iyo filimada Bollywood-ka.
Hay'ada maamusha warbaahinta Pakistan ee PEMRA ayaa sheegatay in ciddii amarkaasi u hogaansami weydo la xiri doono.
Xiriirka u dhexeeya labadan dal ee ku yaal koonfurta Aasiya ayaa sii xumaanayay bilihii u danbeeyay , iyadoo immikana saxaafadu ay noqotay goobtii u danbeeysay ee lagu hardamo.