Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Ugu yaraan 9 qof ku dhimatay qaraxyo ka dhacay dalka Nigeria
Published
Maamulka dalka Nigeria waxa uu sheegayaa in sagaal qof lagu dilay weerar is miidaamin ah.
Qaraxayada waxay ka dhaceen magaalada Maiduguri ee waqooyi bari dalkaasi.
In kabadan 20 qof ayaa weeraradaasi ku dhaawacantay, sida maamulka ay xaqiijiyeen.
Qaraxa koobaad wuxuu saaka aroortii ka dhacay xero ay ku nool yihiin dad barakacayaal ah.
Qaraxa labaadna waxaa lala eegtay goob shidaalka laga dhoofiyo.
Kooxda Boko Xaraam ayaa dhowaanahan xoojisay weerarada ay ka geystao Waqooyiga Nigeria.