Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Madaxweyne Santos oo booqanaya Britain
Published
Madaxweynaha Colombia, Juan Manuel Santos, ayaa maanta billaabaya booqasho rasmi ah oo ku tegayo dalka Britain, taasoo ah tii ugu horeysay ee uu sameeyo hogaamiye dalkaasi ah.
Santos ayaa la kulmi doona Boqoradda, asagoo wadahadal la yeelan doona ra'iisul wasaaraha iyo xoghayaha arrimaha dibedda ee Britain.
Madaxweyne Santos ayaa sanadkan ku guuleystay abaalmarinta nabadda ee Nobel-ka, taasoo uu ku helay dadaalka uu u galay in uu nabad la gaaro jabhadda FARC.
Mr Santos ayaa maalinta Khamiista ah booqan doona Northern Ireland, asagoo nabadda halkaasi ka jirta ka tilmaamay mid dhiiragelisay.