Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Xabaal-wadareed laga helay Ciraaq
Published
Milateriga Ciraaq ayaa sheegay inay heleen boqollaal meyd oo madaxa laga jaray oo ku jiray xabaal-wadareed ku taalla magaalo ay ciidanku ka qabsadeen maalmo ka hor mintidiinta dawladda islaamiga.
Xabaasha ayaa laga helay Hamam al-Alil oo koofurta kaga beegan Mosul. Milaterigu waxay sheegeen in taasi ay caddaynayso dambiyada arxan la'aanta ah ee ay gashay kooxda IS.
Weli baaritaan dhamaystiran laguma samayn meydadka.