Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Dowladda Nigeria oo shaqo siinaysa 200,000 oo shaqaale oo jaamacad dhameeyay
Published
Laba boqol oo kun oo qof oo jaamacad ka soo baxay Nigeria ayaa helay fariin taleefoon oo u sheegaysa inay shaqo ka heleen dowladda.
Waa qaybtii ugu horaysay ee la qaato kadib markii dowladda ay balanqaaday waqtigii doorashada, inay shaqo u helayso hal milyan oo qof oo jaamacad ka soo baxay.
Waxay qadaan doonaan boqol dollar bishii.
Xafiiska madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay, in boqol iyo konton kun shaqaalaha ay ku shaqayn doonaan macalinimo, bilaabanaysa bisha danbe.
Soddon kun oo kale ayaa ka shaqayn doona beeraha, inta hartayna waxay ka shaqayn doontaa caafimaadka.