Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Shaqo joojin ay sameeyeen gaadiidka Muqdisho
Published
Gaadiidka dadweynaha ee magaalada Muqdisho ayaa mudo kooban shaqo joojin ku dhaqaaqay, iyagoo ka cabanaya in lagu soo rogay in ay galaan caymis haddii kale aanay ka shaqayn doonin magaalada.
Gadiidleyda ayaa ku doodaya in aanay awoodin bixinta lacagaha caymiska, xili ay bixiyaan lacagaha kale ee canshuuraha ee dawladda iyo maamulka gobolku ku soo rogeen.
Weriyaha BBC-da ee Muqdisho Ibraahim Maxamad Aadan ayaa warbixintan Muqdisho ka soo diray.