Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Falanqeyn: Afrika maxay ka baran kartaa doorashadii Gambia?
Published
Madaxweynaha dalka Gambiya, Yaxya Jaammeh, ayaa si lama filaan ah ku aqbalay in doorashadii dalkaasi ka dhacday koowdii bishan loogaga adkaaday, uuna xilka wareejinaayo.
Waxaa ka adkaaday Adama Barrow, oo ah ganacsade ku cusub siyaasadda, matalayayna isbeheysiga mucaaradka.
Haddaba maxaa sababay in Yaxya Jaammeh, oo 22 sano ka hor awoodda dalkaasi kula wareegay afgambi in uu ogolaado inuu xilka ka dego? Su'aashaas iyo kuwa kale ayaannu hor dhignay Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad oo u warramay weriyaha BBC-da, Axmed Xaaji Xasan.