Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Qarax ka dhacay meel u dhow Tiyaatarka magaalada Muqdisho
Published
Wararka ka imaanaya magaalada muqdisho waxay sheegayaan in uu qarax ka dhacay magaalada uuna dilay ugu yaraan hal ruux.
Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow tiyaatarka qaranka ee magaalada.
Qofka dhintay ayaa ahaa darawalkii gaaariga qarxay waday, sida ay sheegeen laamaha ammaanku
Waxay xaqiijiyeen in qofkaasi uu ahaa nin is qarxiyay, gaarigun uu ahaa nooca raaxada.
Qaraxa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay seddax qof oo shacab ah, sida uu sheegay sarkaal laamaha amniga ka tirsan.
Qaraxan wuxuu imaanayaa ayadoo maanta la filayo in Muqdisho lagu dhaariyo xildhibaannada cusub ee Soomaaliya.