Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Dabley lix ruux ku dishay Boosaaso
Published
Dabley hubaysan ayaa aroornimadii saaka weeraray hoteel ku yaalla magaalada Boosaaso ee maamulka Puntland.
Dableyda ayaa doonayay inay gudaha u galaan hotelka Village, balse waxaa difaacay ilaalada hoteelka.
Isugeyn lix qof ayaa weerarkaasi ku dhintay sida ay maamulka u xaqiijiyeen BBC-da.
Hoteel Village wuxuu caan ku yahay oo dega dadka ajaanibta ah.
Puntland waxaa weeraro kala duwan ka geysta malayshiyaad taabacsan kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo Alshabaab.