Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Shiinaha oo kordhinaya kharashka Milateriga
Shiinaha ayaa ku dhawaaqay inuu sare u qaadi doono 7% kharashka ku baxa milatarigiisa sannadkan.
Caddadka rasmiga ah Axadda ayaa shaaca laga qaadi doonaa, marka baarlamaanka Shiinaha, golaha qaranka ee shacabka, uu billaabo kal-fadhigiisa sannadlaha ah.
Arrintan ayaa timid maalmo uun ka dib markii madaxweyne Trump uu hoosta ka xarriiqay qorshayaal lagu kordhinayo kharashka ku baxa milateriga, ku dhawaad 10%.
Sarkaal sare oo Shiinees ahayaa sheegay in Beijing ay u baahan tahay inay awood u yeelato ilaalinta madax-bannaanideeda iyo danaheeda.
Sannadihii u dambeeyey Shiinuhu wuxuu casriyeynayey ciidankiisa qalabka sida.
Dad badan oo wax indha-indheeya ayaa su'aal galinaya sida ay sax u tahay caddadka miisaaniyadda xagga difaaca, ayagoo sheegay in ay tahay mid aad uga badan inta la sheegay.