Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Somaliland oo uga digtay dadweynaha inay dhowraan fayadhowrka xilligan roobabku ay da'ayaan
Published
Wasaaradda caafimaadka ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida ee Somaliland iyo dhakhaatiirta ayaa waxa ay uga digeen dadweynaha guud ahaan miyi iyo magaaloba xilligan roobabka inay ilaaliyaan fayadhawrka, nadaafadda, iyo biyahaba.
Dr Cabdiwahaab Nakruuma, waa khabiir ku xeel dheer fayodhawrka kana tirsan wasaaradda caafimaadka, wuxuu ka soo laabtay hawlo caafimaad oo uu ku soo maray deegaano badan oo ka tirsan Somaliland, weriyaha BBC ee Hargeysa, Axmed Saciid Cige, ayuu uga warramay digniinta caafimaad ee ay soo saareen?