Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
K/Afrika: Mas'uul shaqada looga joojiyay ra'yi ku aaddan gumeystihii
Xisbiga ugu weyn mucaaradka dalka Koonfur Afrika, Democratic Alliance, ayaa shaqada ka joojiyay hogaamiyihiisii hore, Helen Zille, kaddib markii ay barteeda Twitter-ka soo dhigtay in gumaystihii aanu u xumayn sida loo tilmaamo.
Hogaamiyaha hadda ee xisbigaasi Mmusi Maimane, ayaa sheegay in haweeneydaasi ay sii ahaan doonto madaxa dowladda ee gobolka Western Cape.
Xisbiga Democratic Alliance ayaa tan iyo markii ay murankaasi dhalisay Ms Zille horraantii sanadkan, waxa uu la kulmay cadaadis ah in uu tallaabo ka qaado.
Weriye ka tirsan BBC-da ayaa sheegaya in xisbigaasi oo ku dadaalayo sidii uu meesha uga saari lahaa aragtida ah in uu yahay mid u taagan danaha dadka cadaanka ah ee Koonfur Afrika.