Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Maamulka jamaacadda oo ka hadlay ka bixitaanka AMISOM ee jamaacadda Soomaaliyeed Umadda
Ciidamada midowga afrika ee ka hawlgalaya Soomaaliya ayaa shalay baneeyay dhismihii jaamacadda ummadda Soomaaliyeed ee Gahayr, halkaasoo saldhig milatari u ahaa tobankii sano ee la soo dhaafay.
Jaamacadda ayaa ku burburtay dagaaladii sokeeye ee wadanka ka dhacay iyadoo lahayd ilaa todobo xarumood oo tan shalay la wareejiyay ahayd ta ugu weyn, waxana dib loo furay jaamacadda bishii August ee 2014.
Hadaba sidee ayay u arkaan maamulka Jaamicaddu xaruntan lagu soo wareejiyey iyo muhiimadda ay u yeelan karto ayaan wax ka waydiinay Dr Maxamed Axmed Jimcaale oo ah Rector-ka Jaamacadda Ummadda Soomaaliya waxaanu u waramay Axmed Maxamed Ibraahim (Axmednagaashe)