Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Ugu yaraan 15 qof oo ku dhimatay Pakistan
Published
Qarax ka dhacay magaalada Quetta ee dalka Pakistan ayaa waxa ugu yaraan ku dhintay 15qof halka 30 kalena ay ku dhaawacmeen.
Goobjooge ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob amaankeedu uu aad u adagyahay dabna la qabadsiiyay gawaari aggaasi u dhowaa.
Magaalada Quetta ayaa ah caasimad goboleedka Balochisyan oo mar waliba ay bartilmaamedsadaan kooxaha Islamiyinta ah waxana sidoo kale ka dhaca rabshado dambiyadeed.