Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Khilaafka Khaliijka Carabta oo saameeyay Soomaaliya
Iyadoo aanan weli la midayn aragtida kala duwan ee ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada ka qabaan siyaasadda dhexdhexaadka ah ee ay dowladda dhexe ka qaadatay khilaafka Khaliijka Carabta ayey arrintaasi u muuqataa inay saameyn doonto wadashaqeynta dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.
Haddaba yey tahay inuu dejiyo siyaasadda arrimaha dibadda ee dalka? Maxaase la gudboon maamul goboleedyada?
Su'aalahaas iyo kuwa kale ayaannu hordhignay Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud Dhaqane oo ah khabiir ka faalooda arrimaha Soomaalida, waxa uu u warramay Bashir Maxamed Caato.