Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Mareykanka oo go'aan ka gaari doona lahaanshaha Qudus
Saraakiisha dalka Mareykanka ayaa sheegay in ay u badantahay in madaxweyne Trump uu toddobaadka soo socdo ku dhawaaqi doono tallaabada xigta ee ku aadan in Mareykanka uu magaalada Qudus u aqoonsan doono inay tahay caasimadda Isra'iil.
Tallaabadan ayaa hurin karta colaad horleh oo u dhaxeysa Falastiiniyiinta iyo Isra'iil, waa haddi uu Mareykanka uu u aqoonsado inay tahay magaalo ay leeyihiin Yuhuuda. Dowladda Isra'iil ayaa ku andacoota in magaalada Qudus ay tahay magaalo ay leedahay Yuhuuda.
Qaramada midoobay ayaan bariga magaalada Qudus u aqoonsaneyn inay tahay dhul ay leedahay Isra'iil.
Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa intii uu ku guda jiray ololihii doorashada waxaa uu horay u ballan qaaday in safaaradda Mareykanka ee dalka Isra'iil loo rari doono magaalada Qudus, balse weriyaha BBC-da ee dalka Mareykaka ayaa soo sheegayaa in haddi madaxweyne Trump uu tallaabadan ka dhabeeyo ay ifafaalo wanaagsan u tahay ballan qaadyadii uu sameeyay xiligii ololaha doorashadii madaxtinimada ee dalka Mareykanka.