Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Madaxweyne Sisi oo markale u tartamaya madaxtinimada Masar
Madaxweynaha Masar Abdel-Fattah al-Sisi ayaa xaqiijiyay in uu doonaayo inuu u tartamo doorashada xigta ee dalkaaai.
Doorashadaasi ayaa noqon doonta tii saddexaad ee ka dhacda dalka Masar idii 3-dexaad ee tan iyo markii uu kacdoonka ka dhacay dalkaasi Masar, taasi oo sababtay in xilka laga tuuro Madaxweynihi hore ee Masar; Xusni Mubarak.
Sidookale sarkaal sare oo katirsan ciidamada Masar oo lagu magacaabo Sami Anaan ayaa isna xaqiijiyay inuu u tartamayo xilka madaxtinimada ee Masar.
Mr Sami ayaa bartiisa Facebook ga ku qoray inuu doonayo inuu soo afmeero dhaqaalaha dalkaasi ee u xiran milateriga oo keliya.
Hadalka Madaxweyne Sisi ayaa ah mid la filayay, waxaana loolanka madaxtinimada isaga baxay madaxii hore ee ciidamada cirka ee Masar Axmed Shafik.