Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Qarax ka dhacay Wanlaweyn
Published
Ugu yaraan toddobo askari ayaa ku dhintay 2 kalena way ku dhaawacmeen qarax ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose.
Qaraxa ayaa ahaa mid la dhigay waddada dhinaceeda, kaddibna wuxuu haleelay gaari kuwa ciidanka ah oo marayay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose sida uu BBC-da u xaqiijiyay guddoomiye kuxigeenka gobolka Cali Nuur Maxamed.
Ma jirto weli ced sheegatay qaraxan, wuxuuse ku soo aadayaa maalin uun kaddib markii nin soo xirtay walxaha qarxa uu isku qarxiyay suuqa qaadka ee Wanlaweyn, halkaas oo uu ku dilay 12 qof.