Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Somaliland iyo Puntland oo ku dagaalamaya Tuka-raq
Wararka ka imaanaya deegaanka Tuka-raq ee ay ku muran san yihiin Jamhuuriyada iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland iyo Puntland ayaa sheegaya in uu halkaasi ka socdo dagaal u dhaxeeya ciidammada labada dhinac.
Taliyaha milatariga Somaliand Nuux ismaaciil Taani, ayaa BBC u xaqiijiyay in dagaalku uu socdo wuxuuna sheegay in ciidammada Puntland ay duulaan kaga soo qaadeen labo aag.
Wasiirka Warfafinta Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab oo BBC-da la hadlay ayaa isna sheegay in ciidammada la soo gardaraystay balse ay iska caabiyeen walina uu dagaalku socdo.
Dhawaan ayay ahayd markii ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating uu booqasho ku kala bixiyay Puntland iyo Somaliland Isaga oo ku baaqay in colaadda la joojiyo wadahadalna lagu dhammeeyo.