Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Maxay ragga uga been badan yihin dumaraka?
Ragga ayay u badan tahay in ay ka been sheeg badan yihiin dumarka, kuwaasi oo aanba dareemin in ay qalad galeen marka ay beenta sheegaan. Sidaasi waxaa sheegaysa daraad la soo saaray.
Cilmi-baarayaasha ayaa ogaaday in ragga Britain ay isku celcelsi ahaan ay maalintii sheegaan 3 been taas oo u dhiganta 1,092 sanadkiiba.
Dhanka kale dumarka ayaa u muuqda in ay ka been sheeg yar yihiin ragga sabatoo ah iyaga sanadkii waxa ay been sheegaan 728 goor taas oo isku celcelis ahaan u dhiganta laba goor maalintiiba.
Inta badan waxaa been loo sheegaa hooyooyinka, sida ay sheegtay daraasadda.
Boqolkiiba shan iyo labaatan ragga ayaa been u sheega hooyooyibkooda, halka dumarka ay ka yihiin boqolkiiba labaatan.
Boqolkiiba 10 ayaa sheegay in ay lamaanahooda been u sheegaan.
Balse hadana marka dhankaa la eego ragga ayaa xaaskooda been badan u sheega marka la barbar dhigo tan dumarka ay seeygooda u sheegaan.
Dumarka ayaa waxa ay dareemaan ceeb ama in ay qalad sameeyeen kadib markii ay sheegaan been.
Boqolkiba siddeetan ayaa sheega in ay sharaftooda hoos u dhacaday marka loo barbardhigo ragga.