Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
DAAWO : Maydiga iyo beeyada Puntland ee beeluhu kala leeyihiin
Published
BBC-da ayaa booqatay goobaha laga guro maydiga iyo beeyada ama luubaanka ee qeybo ka mid ah dhulka dowlad goboleedka Puntland.
Maydiga Puntland waxa uu ka mid ah kheyraadka dabiiciga ah ee dhulkaasi alle ku manaystay, kaas oo ay si joogto ah uga faa'iideystaan dadka deegaanka
Haddaba sidee ayaa geedahani looga dhaliyaa xabagda? sidee loo kala leeyahay?, qaab noocee ayaana loo nacfistaa?.
Weriye Maxamed Xasan Dhalo ayaa la kulmay mid ka mid ah dadka ku hawlan maydiga.