"Dhammaadkii Maraykanka ee Bariga Dhexe ee"- maqaal lagu daabcay Foreign Affairs

Maraykanka iyo Bariga dhexe

Xigashada Sawirka, Getty Images

Published
Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Maqaal lagu daabacay joornaalka Foreign Affairs oo cinwaan looga dhigay "Dhammaadkii Bariga Dhexe ee Maraykanka," ayaa qoraaga Mark Lynch, waxuu aaminsan yahay in nidaamkii gobolka ee Bariga Dhexe, ee uu hoggaaminayay Maraykanku tan iyo dagaalkii Gacanka 1991-kii, uu soo dhammaaday si la mid ah awoodihii boqortooyooyinka Yurub ee ka horreeyay, isagoo arrintan u sababaynaya khilaafka u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil dhinac iyo Iiraan dhinacyo kale.

Wuxuu sheegayaa in "ku-fashilmidda Mareykanka ee ku aaddan ilaalinta xulafadiisa Gacanka Carabta ay shaki gelisay waxtarka saldhigyadiisa milateri ee gobolka," iyo in "diidmada adag ee Israa'iil ay ka taagan tahay heshiis lala galo Falastiiniyiinta ay soo afjartay doorkii Mareykanka ee dadaallada lagu caadiyeynayo xiriirka Carabta iyo Israa'iil."

Lynch wuxuu aaminsan yahay in "kaarto dajiyayaashii dagaalkii Mareykanka iyo Israa'iil ee Iiraan ay si weyn u buunbuuniyeen waxa ay ciidamada milatari gaari karaan, waxay dhayalsadeen awoodda cadawgooda ee adkaysiga, waxayna si naxariis darro ah u dhayalsadeen nolosha dadka caadiga ah," isagoo xusay in dagaalka noocaas ahi uu muujinayo "cilad ku jirta istaraatiijiyadda Bariga Dhexe ee Washington."

Qoraagu wuxuu xoojinayaa aragtidiisa ku aaddan dhammaadka doorka Mareykanka ee Bariga Dhexe isagoo dib u xasuusanaya Dhibaatadii Suweys ee 1956-kii, taas oo soo afjartay saameyntii Ingiriiska iyo Faransiiska ee gobolka. Wuxuu sheegayaa inay jiraan waxyaabo isku mid ah oo u dhexeeya musiibada maanta jirta iyo qorshihii fashilmay ee Ingiriiska, Faransiiska iyo Israa'iil ay ku doonayeen inay kula wareegaan Kanaalka Suweys sida uu isagu u dhigay.

Lynch, wuxuu saadaalinayaa iska-horimaad daba dheeraada ah sanadaha soo socda, isagoo aaminsan in "Israa'iil iyo Iiraan ay wadaagaan dano guud oo ku aaddan in Bariga Dhexe lagu hayo xaalad fowdo iyo rabshado ah."

Sida uu sheegay, geeddi-socodka nabadda ee Carabta iyo Israa'iil ee ay hormuudka ka ahaa Maraykanku wuxuu horseeday in gobolku u kala qaybsamo laba saf: midka koowaad oo ka kooban xulafada Maraykanka, iyo kan labaad oo ay ku jiraan Iiraan iyo xoogagga wakiilka uga ah gobolka.

Dhanka kale, qoraagu wuxuu arkaa fursad ay Washington ku dhisi karto nidaam cusub oo ka wanaagsan haddii ay ka tanaasusho siyaasadda ah "taageeridda hoggaamiyeyaasha keligii-taliyeyaasha ah, siinta xasaanad xulafadeeda, iyo xakamaynta dhinacyada ay is-hayaan iyadoo adeegsanaysa awood militari" isagoo xitaa saadaalinaya in tallaabadani ay "ugu dambeyntii horseedi doonto xasillooni waarta oo ay Washington muddo dheer sheegaysay inay raadinayso."

Wuxuu sheegayaa in nidaamka hadda jira ee Mareykanku uu gaaray guulo istiraatiijiyadeed oo waaweyn ha ahaato iyadoo la bixinayo heer xasillooni ah ama iyadoo la ilaalinayo danaha asaasiga ah ee Mareykanka isagoo haddana intaas ku daraya inuu "ku tiirsanaa ilaalinta uu Mareykanku u hayay nidaamyada kaligii-taliska ah ee Carabta, taas oo gacan ka geysatay caburinta dimuqraadiyadda iyo xoojinta musuqmaasuqa, gaar-u-yeelashada hantida dadweynaha, la-socodka iyo dabagalka dadka, iyo burburinta mucaaradka."

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Wuxuu ku doodayaa in dejinta siyaasad cusub oo sax ah oo ku wajahan Bariga Dhexe ay u baahan tahay "in laga tago adeegsiga faragelinta milateri oo ah tallaabada ugu horreysa ee la qaado iyo in dib loo dhiso saldhigyada milateri ee Mareykanka, iyadoo diiradda la saarayo difaaca gantaallada iyo wadaagga xogta sirdoonka, marka lagu daro in Iiraan laga qaybgeliyo qaab-dhismeedka amniga gobolka iyadoo loo arkayo inay tahay lamaane firfircoon."

Wuxuu intaas ku daray in dhisidda nidaam cusub ay sidoo kale u baahan tahay "dib u eegista xiriirka Mareykanka iyo Israa'iil, cadaadiska Israa'iil inay ixtiraamto xuquuqda aadanaha, joojinta ballaarinta tartiib tartiib ah ee Daanta Galbeed, iyo joojinta faragelinteeda xasillooni darrada ah ee Lubnaan iyo Suuriya."

Gebagebadii, qoraagu wuxuu ugu baaqayaa Mareykanka inay dhiirrigeliyaan dib-u-habeyn siyaasadeed oo ka dhacda waddamada gobolka, halkii ay ku tiirsanaan lahaayeen "nidaamyo kaligii-talisnimo ah," xitaa haddii tallaabadaas ay Mareykanka u keeni karto dhibaatooyin dheeraad ah muddada gaaban.