BBC News, Somali - War
Wararka ugu waaweyn
Iiraan oo xog cusub ka bixisay wadahadallada iyo shuruudo ay u gudbisay dhexdhexaadiyaasha
Tan iyo markii Is-afgaradkii Islamabad uu si wax-ku-ool ah u burburay bishii Luulyo, kaddib weerarro ay Iran iyo Maraykanku is-weydaarsadeen, labada dhinac waxay mararka qaarkood midba midka kale ku qaadeen weerarro milatari.
TOOS, Xuutiyiinta oo sheegay inay gantaallo ballistic ah ku bartilmaameedsadeen caasimadda Sacuudiga, Riyadh
Maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee Yemen ee ay Iran taageerto ayaa sheegay inay fuliyeen weerarro ay adeegsanayaan diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ballistic ah oo lagu qaaday caasimadda Sacuudiga ee Riyadh, iyo sidoo kale xarumaha tamarta ee ku yaalla xeebta Badda Cas ee dalkaas
Maxaa ka jira in rasiidka wax iibsiga uu saameyn ku yeesho bacriminta taranka?
Inta badan, rasiidku waa warqado aan jeebabkeena ku gelino ka dib markii aan bixinno kharashka wax iibsiga raashinka. Laakiin qaar ayaa sheegaya in rasiidyadu ay noqonayaan khatar caafimaad oo walaac leh.
Dil naxdin badan oo dumar lagula kacay oo cabsi iyo walwal abuuray
"Waxa aan sameyo ma garanayo," ayay tiri Nokwanda Matshikiza iyada oo ooyneysa, iyadoo ka fekereysa dilkii loo geystay gabadh ay habaryar u tahay Dineo Motapane. "Laakiin waa in wax laga qabtaa." ayey raacisay.
'Adeegto' iyo xusuusihii kale ee labada rugcadaa ee saxaafadda ee geeriyooday; Boqorka Bartamaha iyo Xasan kaafi
Sida ay tabiyeen warbaahinta qaar nin Soomaali ah ayaa tooreey ku dhuftay, kadibna dhaawac ka soo gaaray tooreyda ayuu u geeriyooday Boqorka.
Sidee loo ilaaliyaa Makka iyo meelaha kale ee barakaysan ee ku yaalla Sacuudi Carabiya?
Isbahaysiga militariga ee taageeraya dowladda caalamku aqoonsan yahay ee Yemen ayaa sheegay in ciidamada difaaca cirka ee Sacuudi Carabiya ay qabteen oo ay burburiyeen diyaarad aan duuliye lahayn oo ay Xuutiyiintu soo rideen ka hor inta aysan gelin hawada Makka.
Sadio Mané oo maalgelinaya ganacsiga beeraha si uu u horumariyo tuuladiisa Bambali
Sadio Mané oo Bambali ka tagay isagoo kubbad cag iyo riyooyin waaweyn qalbigiisa ku sita, ayaa maanta dib ugu soo laabanaya tuuladiisa isaga oo wata himilo ka sii weyn: inuu gacan ka geysto wax ka beddelka mustaqbalka dhaqaale ee deegaankiisa hooyo.
14 dayax-gacmeed oo Ruush ah iyo weerar khasaaro badan dhaliyay; Gacanta qarsoon ee Ruushka ee weerarkii Iiraan ku qaaday saldhig militari oo Mareykanku leeyahay
Iyadoo dagaalka Iiraan uu galayo bilihii xasaasiga ahaa, warbaahinta Mareykanka ayaa tabisay calaamado cusub oo muujinaya suuragalnimada in Ruushku uu Tehran siiyay xog sirdoon.
Pakistan oo sheegtay inay "wax kasta u sameyn doonto" difaaca Sacuudi Carabiya
Afhayeenka militariga Pakistan ayaa sheegay in dalkiisu uu "tallaabo kasta oo lagama maarmaan ah qaadi doono" si uu u difaaco Sucuudiga, xilli boqortooyada ay wajahaysay weerarro sii kordhaya oo uga imanaya kooxda Xuutiyiinta ee Ansaarullaah ee Yemen.
Suuriya ma ku dhoweyd inay dhisto Xarun nukliyeer ah xilligii Assad?
Ku dhowaad labaatan sano kadib markii Israa'iil ay burburisay "xarun nukliyeer oo dhismaysay" oo ku taallay gobolka Deir Ezzor ee Suuriya, barnaamijkii qarsoodiga ahaa ee nukliyeerka dalkaasi ayaa mar kale noqday arrin muran dhalisay.
Maraykanka oo ka horyimi warbixin ay Qaramada Midoobay soo saartay oo lagu eedeyey dembiyo dagaal
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Maraykanka ayaa sheegtay inaysan wax kalsooni ah ku qabin warbixin Qaramada Midoobay soo saartay oo ku eedaynaysa in ciidamada Maraykanku ay dambiyo dagaal galeen marxaladihii hore ee dagaalka ay kula jiraan Iran.
Maxay horumarka degdegga ah iyo awoodda militari ee sii kordhaysa ee Xuutiyiintu "madax-xanuun" ugu tahay Sucuudiga?
Muddo dhowr maalmood gudahood ah horraantii Septembar, dadaalladii militari, diblomaasiyadeed iyo dhaqaale ee Sucuudigu muddo ka badan toban sano ka waday Yemen ayaa u muuqday inay burburayaan.
BBC Somali kala soco TikTok
Ugu hor hel wararka iyo xogta naadirka ah
Wararka Soomaalida iyo Qurbaha
BBC Somali waxaad ka heli kartaa WhatsAPP
Diin iyo Taariikh
Xul
Maxay Israa'iil ugu ugu dhawaaqday gacanta ku haynta Buuraha Cali Daahir?
Isbadalada dhanka milatariga ee ka socda Buurta Cali Dahir lagama sooci karo sawirka guud ee isbeddelada dhanka milatariga iyo siyaasadda.
Muxuu yahay heshiiska shidaal ee dhexmaray Taliban iyo shirkad Sacuudi ah?
Wasaaradda Macdanta iyo Shidaalka ee xukuumadda Taliban ee Afghanistan ayaa Isniintii magaalada Kabul heshiis kula gashay shirkad laga leeyahay Sacuudi Carabiya oo la yiraahdo Delta International, kaas oo ku saabsan sahaminta iyo soo saarista saliidda iyo gaaska laga helo goobta Kashk-Tirpul.
Waa kuma Xaafid Ameir? Ninka daaha gadaashiis ka maamulayay Tanzania?
Carruurtooda waxaa ka mid ah Wanu Xaafid Ameir, oo ah siyaasi, xildhibaan ka tirsan deegaanka Makunduchi, isla markaana ah Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada, Sayniska iyo Teknolojiyadda.
Raysal wasaaraha Canada oo wajahaya tijaabo muhiim ah kadib markii uu ka baxay heshiiskii Trump
Ra’iisul Wasaaraha Canada wuxuu wajihi doonaa tijaabo muhiim ah, maadaama uu u baahan yahay inuu shacabka ku qanciyo in go’aankiisii ahaa inuu ka tanaasulo wadaxaajoodyadii Aqalka Cad uu u qalmo cawaaqibka ka dhalan kara.
Garsoore Mareykan ah oo xayiradda fiisaha ka qaaday Soomaaliya iyo 74 dal oo kale
Garsoore Mareykan ah ayaa Jimcihii 21-kii Agoosto baabi'iyay siyaasadda maamulka Donald Trump ee hakisay fiisooyinka muwaadiniinta 75 waddan, oo ay ku jirto Soomaaliya.
Nolosha qarsoodiga ah ee hoggaamiyaha Iiran iyo shaki laga muujiyay xaaladdiisa nololeed
Toddobaadkii hore, waxaa magaalooyinka Tehran, Qom iyo Mashhad lagu qabtay xuska sannad-guuradii 40-aad ee geeridii Cali Khamenei. Xuska munaasabdaas, Mojtaba Khamenei kama uusan soo qaybgelin taxanaha cusub ee xafladahaas, mana jirin wax muuqaal ama cod ah oo laga baahiyay isaga.
Muxuu waddankaan saaxiibka la ah Soomaaliya u diiday in uu ku biiro heshiiska Turkiga, Sacuudiga iyo Pakistan?
Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Hakan Fidan ayaa hore u sheegay in Masar ay ku biiri karto heshiiska marxalad dambe, sababtoo ah, sida uu sheegay, Qaahira waxaa loo arkaa "saaxiib dabiici ah" oo ka tirsan saddexda waddan.
Cabdi Daysane oo BBC uga warramay guusha uu ka gaaray doorashada Minnesota
Natiijada doorashada hordhaca ah waxay Daysane u tahay tallaabo muhiim ah, waxaana uu hadda diiradda saari doonaa doorashada guud iyo ololaha ballaaran ee ka horreeya.
Trump oo qirtay in si qarsoodi ah loo saaray diyaarad aan ahayn tan madaxweynaha cabsi laga qabo Iran
Arrintan ayaa soo shaac-baxday ka dib markii la soo wariyay in Trump uu raacay diyaaradda Air Force One 8-dii July iyadoo ay arkayaan kamaradaha telefishinka, ka hor inta uusan ku dhuuman gaari cuntada qaada si loogu wareejiyo diyaarad milatari.
Sidee BBC-du ugu suurtagashay inay dabagal ku hesho madaxii sirdoonka Bashar al-Assad ee is qarinayay?
Waxaan sawirro ka qaadnay bog kasta oo ka mid ah buug-xusuustii laga helay guriga Hussam Luka, markii aan London ku soo laabannayna, waxaan bilownay inaan hubinno dhammaan 155-ka lambar ee taleefan ee ku qornaa.
Warar sheegaya in Trump uu ku dhex dhuuntay gaariga cuntada ee gudaha diyaarad sir ah cabsi laga qabay hanjabaadda Iiraan
Warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in madaxweynaha Mareykanka laga wareejiyay diyaaraddii hore ee Air Force One oo la saaray diyaarad ciidan, xilli uu ka soo baxayay shir madaxeedka NATO oo bishii hore ka dhacay Turkiga.
Maxaad kala socotaa heshiiska difaac ee seddex-geesoodka Sacuudiga, Pakistan iyo Turkiga
Il wareed ku dhow dowladda Sacuudiga, oo xogta siiyay AFP, ayaa xaqiijiyay in heshiiska lagu saxiixi doono maalinta Jimcaha ee magaalada Jeddah oo ku taal xeebta Badda Cas.
Barnaamijyada Idaacadda
Listen Next, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 21 Sebtembar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 18 Sebtembar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.
Dhageyso, Idaacadda Subaxnimo, 07:00, 18 Sebtembar 2026, Muddada 29,00
Barnaamijka aroornimo ee soo bandhiga wararka gogoldhaca u ah maalinta iyo cayaaraha.
Dhageyso, Dunida Iyo Maanta, 16:59, 17 Sebtembar 2026, Muddada 1,00,00
Barnaamij aan ku eegno wararkii ugu dambeeyay ee caalamka iyo Soomaalida.














































































