Maxaadan ka ogeyn Galkacyo? Puntland ma waxay qorsheyneysaa dagaal kale?

Ciidamada Puntland

Xigashada Sawirka, Baraha Bulshada

    • Author, Abdinasir Ali
    • Role, BBC News Somali
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo

Saacado kaddib markii dagaal culus uu ka dhacay bariga magaalada Gaalkacyo saaka, halkaas oo ay ku dagaaameen ciidamada Puntland iyo ciidamada PSF, ayaa Madaxweyne Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay beegsadeen xero uu ku eedeeyay dowladda federaalka inay muddooyinkii dambe ku uruurinaysay hub iyo saanad ciidan .

Goobjoogayaal iyo ilo deegaanka ah ayaa BBC u sheegay in labada dhinac ay isku adeegsadeen hub culus, inkastoo aan la soo sheegin dagaal fool ka fool ah oo muddo dheer socday. Ilo caafimaad ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof oo rayid ah uu ku dhintay rasaasta, halka laba qof oo kale oo shacab ah ay ku dhaawacmeen. Sidoo kale ugu yaraan shan askari ayaa dhaawac ahaan loo geeyay isbitaallada magaalada.

Deni ayaa dowladda federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay hub iyo saanad ciidan geysay magaalada Gaalkacyo, isagoo sheegay in ciidamada Puntland ay maanta fuliyeen "howlgal qorsheysan" oo lagu la wareegay xero uu sheegay in muddooyinkii dambe loo adeegsanayay in lagu abaabulo ciidamo iyo hub "lagu qalqalgelinayo amniga iyo xasilloonida Puntland."

"Waa howlgal qorsheysan," ayuu yiri, isaga oo intaas ku daray in ujeeddadu ahayd "in gacanta dowladda Puntland dib loogu soo celiyo xeradaas."

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maamulka uu hoggaamiyo uu muddo ka digayay waxa uu ku tilmaamay isku dayo lagu dhaawacayo xasilloonida Puntland.

Wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo uu marar badan ku tilmaamay "madaxweyne waqtigu ka dhammaaday", inuu ka shaqeynayo sidii qalqal amni looga abuuri lahaa Puntland.

Deni wuxuu sheegay in dowladda federaalku adeegsaneysay dhalinyaro reer Puntland ah oo, sida uu sheegay, "la marin habaabiyay", iyo sidoo kale ciidamo laga keenay meelo kale oo dalka ah, si loogu abuuro xaalad amni darro ah.

BBC si madax bannaan uma xaqiijin karto eedeymahan.

Dhanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo xafiiska madaxweynuhuba war kama soo saarin arrintaan. Balse mar sii horeysay ayuu ra'iisul wasaaraha Soomaaliya sheegay "in dhallinyarada deeganadaasi ay xaq u leeyihiin in ku biiraan ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya".

Sidoo kale madaxweyne Xasan Sheekh ayaa khudbad uu jeediyay ku sheegay in dowladda federalka Soomaaliya ay mushaar siiso ciidamo ku suan deegaanada Puntland.

"Hubkii Al-Shabaab lagula dagaallami lahaa yaan lagu jeedin Soomaalida"

Deni wuxuu ku eedeeyay dowladda federaalka inay hubkii loogu talagalay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo kooxda Daacish u adeegsaneyso khilaaf siyaasadeed oo gudaha ah.

"Waxaan madaxda federaalka ugu baaqayaa inay joojiyaan hubkii lagu dagaallami lahaa Al-Shabaab inay Soomaaliya dhexdeeda isu adeegsadaan," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in ciidamada Puntland ay sannado badan hormuud uga ahaayeen dagaallada lagula jiro Al-Shabaab iyo Daacish, isaga oo xusay howlgallada laga fuliyay buuraha Calmiskaad iyo Galgala, halkaas oo ciidamada Puntland ay muddo dheer kula dagaallamayeen kooxaha mintidiinta ah.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaan wali ka jawaabin eedeymahaan.

Puntland ma waxay qorsheyneysaa dagaal kale?

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in maamulka Puntland aanu aqbali doonin jiritaanka ciidan kale oo ka howlgala deegaannada Puntland oo ka amar qaata hay'ad ka baxsan maamulka Puntland.

"Puntland maanta ciidan ka jira waa ciidanka Puntland. Ciidan kale oo ka jira ma jiraan," ayuu yiri.

Wuxuu ugu baaqay dadka hubaysan ee aan hoos tagin maamulka Puntland in ay iska soo diiwaan galiyaan ciidamada Puntland.

"Cidii ka biyo diidda, jawaabteeda way heli doontaa," ayuu yiri madaxweyne Deni oo ka hadlayay cawaaqibka ka dhalan doona.

Dhanka kale, wuxuu sheegay in ciidamada Puntland lagu amray inay ilaaliyaan xasilloonida, dhaawacyadana la daweeyo, maxaabiistana loola dhaqmo si waafaqsan sharciga, isagoo sheegay in dhalinyarada la qabtay ay yihiin kuwo "la khalday."

Farriin uu u diray Galmudug

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Deni wuxuu bogaadiyay maamulka Galmudug, isagoo sheegay inuu sii socon doono wada shaqeynta labada dhinac ee dhinacyada amniga iyo xasilloonida gobolka Mudug.

Wuxuu sheegay in labada maamul ay tusaale u yihiin sida nidaamka federaalka u shaqeyn karo marka la iska kaashado amniga iyo horumarka.

Dhanka kale, wuxuu Madaxweyne Xasan Sheekh ugu baaqay inuu khilaafaadka ku dhammeeyo wadahadal.

"Wadahadal ku dhammee khaatimadaada," ayuu ugu baaqay madaxweyne Xasan Sheekh.

Dagaalka maanta oo Arbaco ah ka dhacay Gaalkacyo ayaa yimid kaddib maalmo ay magaalada ka jirtay xiisad isa soo taraysay.

Puntland ayaa hore ugu eedeysay dowladda federaalka inay magaalada geysay ciidamo iyo hub, halka dowladda federaalka aysan si rasmi ah uga hadlin eedeymahaas.

Siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay ku baaqayay in laga fogaado isku dhac hubeysan, iyagoo ka digayay in xiisadda sii korortay ay isku beddeli karto dagaal.

BBC si madax bannaan uma xaqiijin karto sheegashooyinka Madaxweyne Deni ee ku saabsan in dowladda federaalku hub iyo ciidamo geysay Gaalkacyo.

Ilaa iyo hadda, wakhtiga aan warbixintan daabacayno, dowladda federaalka Soomaaliya kama aysan jawaabin eedeymaha uu jeediyay Madaxweynaha Puntland. BBC waxay la xiriirtay dowladda federaalka si ay uga hesho jawaabteeda.