Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Sheekada dheemanka casaanka ah ee markii ugu horreysay muddo ku dhow 100 sano lagu soo bandhigayo Faransiiska
Dheemanka casaanka ah ee dhifka ah, loona yaqaan Grand Condé, ayaa dib loogu soo bandhigayaa dadweynaha Faransiiska, markii ugu horreysay tan iyo markii la xaday ku dhowaad 100 sano ka hor.
Dheemankan oo culeyskiisu yahay sagaal karaat, qaabkiisuna u eg yahay midho-biyoodka saytuunka ah, ayaa laga xaday qasriga Château de Chantilly bishii Oktoobar 1926, xilli tuugo ay xilli habeen ah gudaha u galeen qasriga. Tuugadu waxay dheemanka ku qariyeen tufaax god midhihiisa qaab god ahaan ah laga sameeyey oo lagu sii dhex qarsaday.
Dheemanka ayaa la helay dhowr toddobaad kadib, markii shaqaale haweeney ah oo ka shaqaynaysay hoteel ay tuugadu deggenaayeen ay tufaaxa qaniintay iyadoo gaajaysan, taasoo keentay in la ogaado dheemanka ku dhex qarsoonaa.
Grand Condé wuxuu ka mid yahay dahabka boqortooyada ee ka badbaaday Kacaankii Faransiiska. Hadda waxaa lagu soo bandhigayaa Matxafka Condé ee ku yaalla Château de Chantilly, waxaana bandhiggu soconayaa ilaa 3-da Janaayo.
Agaasimaha matxafka, Mathieu Deldicque, ayaa sheegay in sheekada dheemanka lagu qariyey tufaaxa ay u ekaan karto mid aan la rumaysan karin, balse wargeysyo badan ay xilligaas wax ka qoreen.
Waxaa sidoo kale la weydiiyey in dib-u-soo-bandhigga dheemanku uu keeni karo khatar amni, gaar ahaan iyadoo sanadkii la soo dhaafay ay dhaceen dhacdooyin tuugo oo dhowr ah oo lala beegsaday xarumaha dhaqanka ee Yurub, oo ay ku jirto dhacdadii dahabka lagaga xaday Matxafka Louvre ee magaalada Paris.
Matxafku ma uusan shaacin lacagta caymiska dheemanka, balse agaasimuhu wuxuu sheegay in cilmi-baaris ballaaran lagu sameeyey astaamaha gaarka ah ee dheemanka si si fudud loogu aqoonsan karo.
Dheemanka casaanka ah ee dabiiciga ahi aad bay u dhif yihiin, waxaana badanaa lagu iibiyaa tobannaan milyan oo doollar. Sida shirkadda xaraashka ee Sotheby's sheegtay, dheemanka casaanka ah ee ugu qaalisan ee xaraash lagu iibiyey wuxuu sannadkii 2017 ku kacay 71.2 milyan oo doollar.
Asalka saxda ah ee Grand Condé weli waa mid aan la garanayn. Markii ugu horreysay waxaa lagu xusay diiwaan hantiyadeed oo la sameeyey sannadkii 1740, kadib geeridii Louis Henri de Bourbon, Amiirkii Condé.
Dheemanka ayaa markii dambe ka mid noqday ururinta boqoradda Marie-Amélie ee Bourbon-Sicily, xaaskii Boqor Louis Philippe I ee Faransiiska, kadibna wuxuu u gudbay wiilkooda, Amiir Henri oo ahaa Duke of Aumale.
Amiir Henri ayaa hantidiisa ugu deeqay Machadka Faransiiska (Institut de France), kaas oo maanta leh Château de Chantilly, oo qiyaastii 50 kiiloomitir waqooyi kaga beegan Paris, iyo ururinta farshaxanka iyo qoraallada taariikhiga ah ee yaalla Matxafka Condé.