Yaa ku guulaystay dagaalka Iran iyo Maraykanka?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Dagaalka hadda u dhexeeya Maraykanka iyo Israa'iil iyo Iran ayaa laga yaabaa inuu soo afjarmo. Ugu yaraan, taasi waa fariinta ka imanaysa Washington.
Ka dib dhowr toddobaad oo xabbad joojin ah, Talaadadii, May 5-teedii, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Marco Rubio ayaa ku dhawaaqay in Howlgalka Epic Fury uu si wax ku ool ah u dhammaaday.
Su'aasha dad badan maskaxda ku hayaan ayaa ah: Yaa guuleystay? Jawaabtu waxay ku xiran tahay cidda sheekada ka warramaysa.
Dalka Iran, warbaahinta dowladda ayaa soo bandhigaysa cadeyn ah in dalkaasi uu u istaagay kana adkaaday xulafada militari ee ugu awooda badan caalamka.
Magaalada Washington, madaxweyne Donald Trump iyo maamulkiisa ayaa sidoo kale ku dhawaaqaya guul waxayna si joogta ah u sheegaan inay gaareen hadafkoodii.
Laakiin marka laga reebo hadallada dadweynaha, wada-xaajoodyadu waxay noqonayaan kuwo ka muhiimsan dagaalka laftiisa si loo go'aamiyo halka guusha dhabta ah ay ku jirto.
Sida laga soo xigtay Axios, Reuters, iyo qaar kale oo warbaahinta Mareykanka ah, Aqalka Cad ayaa rumeysan inuu ku dhow yahay in heshiis 14 qodob ah oo isfaham ah lala gaaro Iran. Dukumeentigu wuxuu bixin doonaa qaab-dhismeedka wada-xaajoodka ballaaran ee barnaamijka Nukliyeerka Iran, marin-biyoodka Hormuz, iyo xiisadaha gobolka.

Xigashada Sawirka, Anna Moneymaker/Getty Images
Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda ee Iran ayaa sheegay in wadanku uu dib u eegis ku samaynayo arrinka, ayna la wadaagi doonaan jawaabtooda dhex dhexaadiyeyaasha Pakistan. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah siyaasiyiinta sare ee Iran ayaa si cad u diiday dalabkaas.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Afhayeenka guddiga amniga qaranka Iran iyo siyaasadda arrimaha dibadda ee baarlamaanka, ayaa hadal uu ku daabacay X, wuxuu ku tilmaamay soo jeedinta inay tahay "Liiska rabitaanka Mareykanka" wuxuuna yiri, "Mareykanku waxba kama faa'iidi doonaan dagaalka waa ay ku khasaarayaan."
Sida ku cad faahfaahinta ilaa hadda la sii daayay, Iran ayaa looga baahan doonaa inay joojiso inta badan hawlaheeda Nukliyeerka muddo 20 sano ah, kuna wareejiso kaydkeeda Uranium-ka aadka loo tayeeyay, iyo in ay ogolaato kormeero caalami ah oo dhamaystiran.
Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in heshiiska uu dhigayo in Iran ay dammaanad qaadeyso in si buuxda dib loo furo marin biyoodka Hormuz.
Taa baddalkeeda, Maraykanku wuxuu si tartiib tartiib ah u qaadi doonaa cunaqabataynta, wuxuu sii dayn doonaa hantida Iran ee la xayiray, waxaana suurtogal ah inuu u ogolaado Iran inay dib u bilawdo kobcinta uranium-ka xaddidan ka dib marka uu heshiisku dhaco.
Si kastaba ha ahaatee, qaar badan oo reer Iran ah, ereyadani waxay u muuqdaan kuwo is-dhiibid marka loo eego tanaasul.
Dooddoodu waa sahlan tahay. Waxay aaminsan yihiin in Maraykanku uu hakiyay Hawlgalkii Epic Fury sababtoo ah ma uusan keenin natiijooyin wax ku ool ah, iyo in Hawlgalka Xoriyadda, oo uu bilaabay inuu dib u furo marinka Hormuz, laakiin si lama filaan ah u dhammaaday.
Inkasta oo Iran ay bartilmaameedsatay saldhigyada Maraykanka iyo kaabayaasha tamarta ee gobolka, midkoodna dalalkan si rasmi ah uma gelin dagaalka.

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Waxaa ka sii muhiimsan in Jamhuuriyadda Islaamiga ah ka badbaado burburkii lala damacsanaa, inkastoo ay dhinteen hoggaamiyaashoodii, taliyayaal badan oo sarsare iyo saraakiil sare oo dhinaca amniga ah intii uu dagaalku socday. Nidaamka siyaasadeed iyo milatari ee Iran ayaa sii shaqaynayay, beddelkiina si degdeg ah ayaa loo magacaabay.
Dagaalka ka hor, qaar ka mid ah saraakiisha reer galbeedka iyo falanqeeyayaasha ayaa aaminsanaa in dhaq-dhaqaaq militari oo degdeg ah, oo lagu daray dilka hogaamiyayaasha iyo taliyayaasha Iran, uu dhalin karo mowjado cusub oo mudaaharaadyo ah oo ka dhan ah dowladda, xitaa ay horseedi karto burburka nidaamka. Tani ma dhicin.
Mudaaharaadyadii ruxay Iran bilihii dagaalka ka hor ayaa inta badan hoos u dhacay. Ciidamada ammaanka ayaa xoojiyay xakameynta, waxaana la kordhiyay qab-qabashada.
Afhayeenka baarlamaanka Iran iyo madaxa wada xaajoodka Mohammad Bagher Qalibaf ayaa dhawaan qoray, "Waxaan si fiican u ognahay in sii socoshada xaaladda hadda jirta ay tahay mid aan loo dulqaadan karin Maraykanka, iyada oo aan xitaa weli bilaaban wadaxaajoodku."
Si kastaba ha ahaatee, natiijada dagaallada mar walba laguma go'aamiyo goobta dagaalka.
Ugu dambeyntii, khilaafkan laguma qiimeyn karo dagaalka laftiisa, laakiin waxaa lagu qiimeyn karaa natiijada wada xaajoodka lagu doonayo in lagu soo afjaro.
Washington waxay ku dhawaaqi doontaa guul haddii ay ku qasabto Iran inay sameyso heshiisyo waaweyn oo nukliyeer ah. Waxay ku dhawaaqi doontaa guul Tehran haddii ay sii wado saameynteeda gobolka oo ay ka fogaato joojinta joogtada ah ee barnaamijkeeda Nukliyeerka.
Hadda, labada dhinacba waxay dadkooda u sheegayaan inay guulaysteen.
Jawaabta dhabta ah waxay cadaan doontaa oo kaliya marka wada xaajoodku dhamaado, haddii labada dhinacba ay miiska wada fadhiyaan oo ay halkaas joogaan ilaa dhamaadka.











