Israa'iil oo diiday qorshaha Trump ee Xamaas hubka lagaga dhigayo

Trump/Netanyahu

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Trump/Netanyahu
Published
Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Israa'iil ayaa diiday qorshaha "Golaha Nabadda" ee Gaza, iyadoo sheegtay in aysan ciidamadeeda kala bixi doonin Marinka Gaza ilaa Xamaas si buuxda hubka looga dhigo.

Qorshahan oo ka kooban 15 qodob ayaa faahfaahinaya wejiga labaad ee heshiiskii xabbad-joojinta ee la gaaray bishii Oktoobar ee sannadkii hore, kaas oo soo afjaray laba sano oo dagaal ah oo u dhexeeyay Israa'iil iyo Xamaas.

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa Axaddii sheegay in ciidamada Israa'iil ay sii wadi doonaan howlgalladooda gudaha dhulka Falastiin, isla markaana aysan ciidamadu ka bixin doonin ka hor inta aan la helin waxa uu ku tilmaamay "hub-ka-dhigis dhab ah oo Xamaas lagu sameeyo."

Mowqifkan Israa'iil ayaa caqabad weyn ku ah ujeedka madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo hoggaamiya Golaha Nabadda Adduunka, isaga oo bishii hore sheegay in "horumar weyn" laga gaaray qorshaha golaha ee Gaza.

Trump ayaa sheegay in Xamaas oo ku dhowaad labaatan sano xukumeesay Marinka Gaza ay oggolaatay inay hubka dhigto, isagoo intaas ku daray in Israa'iil ay "aad ugu faraxsan tahay" heshiiska.

Sida ku cad qorshaha waddada ah ee uu diyaariyay Golaha Nabadda, Israa'iil waa inay si tartiib-tartiib ah ciidamadeeda uga saarto Gaza iyadoo ay barbar socoto hub-ka-dhigista Xamaas. Arrintaas ayuu Netanyahu si cad u diiday.

Sannadkii hore Israa'iil iyo Xamaas waxay ku heshiiyeen qorshaha iyo jidka loo marayo ee Golaha Nabadda, kaas oo ku bilaabanaya xabbad-joojin kuna dhammaanaya soo afjaridda dagaalka Gaza.

Dhanka kale, Xamaas ayaa Mareykanka ugu baaqday inuu Netanyahu cadaadis ku saaro inuu aqbalo heshiiska Gaza, iyadoo carrabka ku adkaysay inay weli "ka go'an tahay soo jeedinta Golaha Nabadda, iyadoo ku shaqaynaysa mas'uuliyad qaran," sida wakaaladda wararka Faransiiska ka soo xigatay Bassem Naim oo ah xubin ka tirsan Xamaas.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Hoggaamiyaha Xamaas Ghazi Hamad ayaa sheegay in heshiisku si cad u dhigayo in Israa'iil ay u hoggaansanto qodobadiisa, isagoo yiri haddii aysan Israa'iil u hoggaansamin heshiiska, "annaguna u hoggaansami mayno."

Bishii hore, Xamaas waxay sheegtay in aysan hubka dhigi doonin ilaa Israa'iil si buuxda uga baxdo Gaza oo ay soo afjarto howlgalladeeda milatari ee Marinka,

kaddibna laga shaqeeyo dhismaha dowlad Falastiini ah.

Netanyahu ayaa Axaddii kulan ay yeesheen golaha wasiirradiisa ka sheegay: "Markaan leeyahay Xamaas waa inay hubka dhigtaa, waxaan ula jeedaa hubka culus, hubka fudud iyo dhammaan hubka."

Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa sidoo kale mar kale xaqiijiyay mowqifkiisa adag ee ka dhanka ah dhismaha dowlad Falastiini ah, isagoo yiri: "Inta aan ahay ra'iisul wasaare, ma jiri doonto dowlad Falastiini ah, Gaza iyo Yahuudiya iyo Samaariya midna," isagoo ula jeeday Daanta Galbeed.

Netanyahu ayaa ku jira loollan siyaasadeed oo adag, iyadoo doorashooyin la qorsheeyay bisha Oktoobar ee soo socota, kuwaas oo la filayo in dagaalka Gaza iyo arrinta Iiraan ay si weyn uga dhex muuqdaan ololaha doorashada.

Lama filayo in Netanyahu uu ka tanaasulo mowqifkiisa adag. Bishii hore ayuu golihiisa wasiirrada u sheegay inuusan aqbali doonin dalabka Mareykanka ee ah in ciidamada Israa'iil laga saaro goobaha ay ka joogaan Suuriya, Lubnaan iyo Gaza, sida uu sheegay Kanaalka 13 ee Israa'iil.

Netanyahu wuxuu cadaadis kala kulmayaa xubnaha midigta fog ee xukuumaddiisa isbahaysiga ah, kuwaas oo doonaya inuu si cad u diido qorshaha Trump. Waxa kale oo cadaadis ku haya mucaaradkiisa oo ku jeesjeesaya inuu ku guuldarraystay inuu fuliyo ballanqaadkiisii muddada dheer uu soo waday ee ahaa inuu si kama dambeysa ah u baabi'in doono Xamaas.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in dhinaca Israa'iil ay walaac ka qabaan qorshaha Golaha Nabadda, gaar ahaan qodobka la xiriira in Xamaas ay hubkeeda ku wareejiso ciidan boolis Falastiini ah oo dhowaan la dhisay. Israa'iil waxay sidoo kale walaac ka qabtaa saameynta suuragalka ah ee Qatar iyo Turkiga ku yeelan karaan Gaza.

Saraakiisha Mareykanka ayaa ku adkaysanaya in qorshahan uu Netanyahu maanta diiday uu waafaqsan yahay qorshe hore oo Mareykanku soo jeediyay, kaas oo Israa'iil horay u aqbashay.

Qariiradda Qadka jaallaha

Sida ku cad heshiiska Golaha Nabadda, Israa'iil waxaa laga rabay inay ciidamadeeda dib ugu celiso waxa loo yaqaan "khadka jaallaha ah", kaas oo kala qaybiya dhulka Marinka Gaza oo 47 boqolkiiba ay gacanta ku hayaan Falastiiniyiintu iyo 53 boqolkiiba oo ay gacanta ku hayso Israa'iil.

Balse taa beddelkeeda waxay ballaarisay dhulka ay gacanta ku hayso ilaa ku dhowaad saddex-meelood laba meelood oo Gaza ah.

Bishii May ee la soo dhaafay, Netanyahu wuxuu sheegay inuu ciidamada Israa'iil ku amray inay gacanta ku dhigaan 70 boqolkiiba dhulka Gaza, taas oo ka mid ahayd calaamado dhowr ah oo, sida ay goobjoogayaashu sheegeen, muujinayay qorshaha Israa'iil ee ah inay sii dheereysato joogitaankeeda gudaha dhulka Falastiin.

Tan iyo markii qorshaha nabadda lagu dhawaaqay toddobaadkii hore, Israa'iil waxay kordhisay weerarradeeda Gaza, halkaas oo in ka badan 1,000 Falastiiniyiin ah lagu dilay tan iyo markii xabbad-joojinta lagu dhawaaqay bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Inkastoo Israa'iil ay mowqifkan ka qaadatay qorshaha Golaha Nabadda, Netanyahu wuxuu sheegay in wada-hadallada Washington ay weli socdaan, isagoo xusay inay jiraan "soo-jeedinno la aqbali karo iyo kuwo aan la aqbali karin" oo ka imanaya dhinaca Mareykanka.

Bishii hore, Masar oo dhexdhexaadinaysa wada-hadallada u dhexeeya Israa'iil iyo Xamaas ayaa sheegtay in labada dhinac ay ku heshiiyeen qorshe waddo cusub oo ka kooban 15 qodob, iyadoo sheegtay in kulan lagu qaban doono Qaahira "si looga wada hadlo hababka loo fulinayo heshiiska."

Ilmo dhex fadhiya dhisme jajaban

Xigashada Sawirka, AFP

Dhanka kale, Raadiyaha Ciidamada Israa'iil ayaa Axaddii subaxnimadii shaaciyay in hawl-gallo la xiriira kaabeyaasha dhaqaalaha laga bilaabay aagga "Rafahta Cagaaran", oo ku dhex yaalla khadka jaallaha ah ee koonfurta Marinka Gaza.

Hawl-galladaan ayaa qayb ka ah waxa Israa'iil loogu yaqaan "mashruuc tijaabo ah oo dib-u-dhis iyo kaabayaal ah" oo laga fulinayo aagga ay ciidamada Israa'iil si buuxda u maamulaan.

Raadiyaha Israa'iil ayaa sheegay in shaqaalaha iyo qandaraaslayaasha la sheegay inay ka qaybqaadanayaan hawlahan ay yihiin dad deggan Marinka Gaza, iyadoo xusay in xilligan ay marayaan baaritaanno iyo habraacyo amni oo adag oo ay sameynayaan Hay'adda Amniga Guud ee Israa'iil.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Israa'iil ayaa arrintaas ka jawaabay, isagoo sheegay in tani tahay "mashruuc tijaabo ah oo ay kormeerayso Imaaraadka Carabta," kaas oo la bilaabay dhowr bilood ka hor, ujeeddaduna ahayd in la sameeyo goob teendhooyin ah oo ka baxsan gacanta Xamaas.

Goobjoogayaashu waxay aaminsan yihiin in mashaariicdan aan si buuxda loo faahfaahin ay Israa'iil u suurtagelin karaan inay muddo dheer sii joogto gudaha Marinka Gaza.