Cumar Cartan oo noqday qofkii ugu horreeyay ee aan Yurubiyaan ahayn ee garsoore ka noqda fiinalka Super Cup

Xigashada Sawirka, Getty Images
Garsooraha Soomaaliyeed ee Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa kula dardaarmay garsooreyaasha doonaya inay mustaqbalka horumar ka sameeyaan inay "waligood riyada joojin," ka hor inta uusan taariikhda gelin isaga oo noqonaya qofkii ugu horreeyay ee aan Yurub ahayn ee garsoora UEFA Super Cup, oo Arbacada ka dhacaya magaalada Salzburg ee dalka Austria.
Cumar oo 34 jir ah ayaa ka mid noqday garsooreyaasha ugu caansan kubadda cagta Afrika, isagoo noqday Soomaaligii ugu horreeyay ee garsoora finalka CAF Champions League, sidoo kalena loo magacaabay Garsooraha Ragga ee CAF ee Sanadka.
UEFA ayaa sheegtay in magacaabista Cumar lagu sameeyay heshiis iskaashi oo CAF iyo UEFA ay saxiixeen sanadkan, kaas oo looga gol leeyahay xoojinta wada shaqaynta labada dhinac.
"Tani waa sharaf weyn oo u soo hoyatay Cumar cartan iyo garsoorayaasha Afrika," ayuu yiri madaxweynaha CAF, Patrice Motsepe, sida lagu sheegay hadallo ay UEFA Isniintii daabacday.
Cumar ayaa loo doortay inuu ka qaybqaato Koobka Adduunka ee sanadkan, balse waxaa laga hor istaagay inuu galo Maraykanka iyadoo Hay'adda Kastamka iyo Ilaalinta Xudduudaha Maraykanka ay diidday gelitaankiisa, inkastoo uu haystay fiiso sax ah.

Xigashada Sawirka, UEFA
"Waxay ahayd xilli aad u adag," ayuu Cumar yiri. "Dad badan ayaa ii muujiyay naxariis iyo garab istaag, sababtoo ah marka qof uu sanado badan shaqaynayay oo uu filayay inuu wax qabto, haddana uusan awoodin inuu sameeyo, taasi waa arrin aad u adag."
Siyaasadaha adag ee socdaalka ee madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa walaac ka abuuray Koobka Adduunka, iyadoo Washington sanadkii hore ku soo rogtay xayiraad safar oo ballaaran muwaadiniinta 12 dal, oo Soomaaliya ay ku jirto.
Sarkaal ka tirsan maamulka Maraykanka ayaa sheegay in Cumar loo diiday gelitaanka dalka sababo la xiriira xiriir uu la leeyahay "shakhsiyaad looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin ururro argagixiso."
Cumar ayaa lagu daray liiska caalamiga ah ee garsoorayaasha FIFA sannadkii 2018, wuxuuna noqday garsoorihii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee ka qaybqaata Koobka Qaramada Afrika sannadkii 2024.
"Waxaan aaminsanahay in haddii aan anigu guulaysan karo, qof kastana uu guulaysan karo," ayuu yiri. "Weligaa ha joojin riyada."
Ciyaarta Arbacada ka dhacaysa Salzburg waxaa isku arkaya Paris Saint-Germain, oo ku guuleysatay Champions League, iyo Aston Villa, oo haysata Europa League.
"Waxaan aaminsanahay in haddii aan anigu guulaysan karo, qof kastaa uu sidaas oo kale samayn karo."

Xigashada Sawirka, UEFA
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Cumar wuxuu xirfaddiisa ku ilaalinayay dhex-dhexaadinta ciyaaraha horyaalka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale maamulay ciyaartii ugu dambaysay ee lagu go'aaminayay horyaalka dalka Kuwait dhammaadkii bishii Juun – taas oo, sidaad qiyaasi karto, ahayd markii ugu horreysay ee uu tallaabadaas qaado.
Wuxuu aad ugu dadaalayaa inuu ciyaarta 'Super Cup'-ka u galo isagoo ku jira heerkiisii ugu sarreeyay ee dhanka diyaar-garowga. "Annaga garsoorayaal ahaan, waxaan marnaa marxalado badan oo diyaar-garow ah si aan u baranno kooxaha," ayuu sharraxayaa. "Mar walba waan daawadaa ciyaaraha kooxaha. Si kastaba ha ahaatee, waan jeclahay daawashada kubadda cagta Yurub, laakiin waxaa intaas dheer inaan sameeyo baaritaan qoto-dheer oo ku saabsan kooxaha, sida ay u ciyaaraan, anigoo baranaya dhaqankooda, xeeladahooda ciyaareed iyo waxyaabo badan oo la mid ah."
Haddaba, ma jirtaa farriin uu Cumar u hayo dadka doonaya inay noqdaan garsoorayaal, meel kasta oo ay joogaan?
"Waxaan aaminsanahay in haddii aan anigu guulaysan karo, qof kastaa uu sidaas oo kale samayn karo. Waxaad samayn kartaa wax kasta oo aad rabto inaad qabato. Weligaa ha joojin riyadaada. Haddii aad rabto inaad noqoto garsoore, waa waxa ugu wanaagsan ee aad samayn karto. Marka, u dhaqaaq dhankaas oo samee, hana joojin, iyadoo aan loo eegin waxa dhacaya ama haddii ay jiraan dad kaa hor istaagaya inaad shaqadaada qabsato.
"Wax cusub baro maalin kasta, horumari xirfaddaada, waxa ugu muhiimsanna, noqo qof caddaalad sameeya oo joogto ah."
Garsooreyaasha UEFA Super Cup 2026
Garsoore: Cumar Cartan (Soomaaliya)
Kaaliyeyaasha Garsooreyaasha: Liibaan Cabdirisaaq Axmed (Jabuuti), Stephen Eleazar Onyango Yiembe (Kenya)
Garsooraha afraad: Rade Obrenovič (Slovenia)
VAR: Marco Di Bello (Talyaaniga)
Kaaliyaha VAR: Guillermo Cuadra Fernandez (Spain)















