Lix-iyo-toban koob muddo shan sano ah; sidee ayay kubadda cagta Isbaanishku u noqotay mid aan lala tartami karin?

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Spain waxay mar kale muujisay awooddeeda.
Ka dib markii kooxda La Roja ay ku guuleysatay horyaalka Yurub laba sano ka hor magaalada Berlin, hadda waxay Argentina kaga badisay 1-0 finalka Koobka Adduunka ee ka dhacay New Jersey—waana guul ay hore u gaareen sanadkii 2010-kii, laba sano ka dib markii ay qaadeen Euro 2008.
Guushan ugu dambeysay ee Spain ayaa sii xoojineysa awoodda iyo sareynta cajiibka ah ee ay ku leeyihiin kubadda cagta ragga iyo dumarka labadaba. Waa waddankii ugu horreeyay ee isla waqti isku mid ah haysta koobabka Adduunka ee ragga iyo dumarka; iyadoo Spain ay England kaga badisay finalka Koobka Adduunka ee Dumarka oo lagu qabtay Sydney sanadkii 2023-kii.
Sheekadu halkaas kuma eka. Kooxda ragga ayaa ku guuleysatay tartanka Koobka Qaramada ee 2023 iyo ciyaaraha Olombikada ee 2024, halka kooxda dumarkuna ay ku guuleysatay Koobka Qaramada sanadihii 2024 iyo 2025 labadaba. Dhab ahaantii, Spain waxay ku guuleysatay tiro cajiib ah oo gaaraysa 16 koob oo heer caalami iyo heer Yurub ah shantii sano ee la soo dhaafay, iyadoo guulahaasi ay ka soo bilaabmeen heerka da'yarta (under-17) ilaa heerka kooxaha waaweyn.
Khabiirka kubadda cagta Spain, Guillem Balague, ayaa u sheegay BBC Sport: "Waa awood iyo sareyn buuxda; waa xaalad guul oo is-biirsatay oo heer sare ah. Dhanka dhaqanka, waxaan wax u qabannaa qaab gaar ah, qof walbana wuu aaminsan yahay habkaas. Waxa ugu muhiimsan ayaa ah inaanan joojinayn dadaalka."
Spain, mashiin koobabka ku guuleysta
Kubadda cagta haweenka (11 koob inta u dhaxaysa 2022 iyo 2026)
Dadka waawayn: 1 Koobka Adduunka (2023), 2 Koobka Qaramada (2024 and 2025)
Xulka -20-jirrada: Hal Koob Adduun (2022)
Xulka -19-jirrada: 5 Jeer oo Yurub ah (2022, 2023, 2024, 2025, 2026)
Xulka -17-jirrada: Hal Koob Adduun (2022), Halkoob oo Yurub ah (2024)
Kubadda cagta ragga (5 koob inta u dhaxaysa 2022 iyo 2026)
Dadka waawayn: 1 Koobka Adduunka (2026), Halka Koobka Yurub ah (2024), Hal Koobka Qaramada ah (2023)
Xulka 23-jirrada: Gal Olympic gold medal (2024)
Xulka-19-jirrada: Hal European Championship (2026)

Xigashada Sawirka, Getty Images
'Doorashada de la Fuente waxay ahayd khatar.'
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Markii Xiriirka Kubadda Cagta ee Spain uu u magacaabay Luis de la Fuente tababare sare bishii Disembar 2022, dad yar ayaa filayay inuu ku guuleysan doono tartanka Nations League (2023), Koobka Qaramada Yurub (2024) iyo Koobka Adduunka (2026) muddo aad u gaaban gudaheed. Morocco ayaa markaas uun ka reebtay Spain wareegga 16-ka ee Koobka Adduunka ee Qatar, xiriirkuna wuxuu u baahnaa qof beddela Luis Enrique ka dib markii uu isagu baxay.
"Waxay u jeesteen nin [de la Fuente] yaqaanay qaab-ciyaareedka iyo nidaamka," ayuu yiri Balague. "Waxay ahayd go'aan khatar badan, mana aaminsani in qofna uu filayay inuu noqon doono mid sidaas u guuleysta."
Go'aanka ayaa u muuqday mid khatar ah sababtoo ah de la Fuente wuxuu la wareegayay Spain—oo ku guuleysatay saddex ka mid ah shantii tartan ee ugu dambeeyay ee Qaramada Yurub (2008, 2012, 2024)—iyadoo uusan lahayn wax waayo-aragnimo ah oo ku saabsan tababare-nimada koox weyn.
Ka dib markii uu ciyaaraha ka fariistay ciyaaryahan ahaan sannadkii 1994-tii, de la Fuente wuxuu 15 sano ku qaatay doorar kala duwan oo kooxo kala duwan ah, oo ay ku jiraan tababare-nimo horyaallada heerka hoose ee Spain, kooxaha da'yarta iyo ka-caawiyaha tababaraha, ka hor inta uusan la wareegin kooxaha da'yarta ee Spain.
Ciyaaryahankii khadka dhexe ee Spain Juan Mata ayaa u sheegay BBC Sport: "De la Fuente wuxuu yaqaanay inta badan ciyaartoydan tan iyo xilligii ay akadeemiyadda ku jireen, wayna sii korayaan iyagoo koox ah. Tani ma aha koox loogu talagalay waqtigaan oo kaliya, waa koox mustaqbalka loo dhisayo."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ka dib waqtigii uu la qaatay kooxaha da'doodu ka hooseyso 19 iyo 21 sano iyo heerka Olombikada, tababarahan oo 65 jir ah ayaa sameeyay dhaqan ku dhisan ixtiraamka tartamayaasha iyo shaqo joogto ah, wuxuuna kooxdiisa ku soo kordhiyay dulqaad iyo degganaansho tan iyo markii loo doortay tababaraha kooxda waaweyn.
"Intiina badan waad iga yar tihiin, waana inaad ixtiraamtaan waayo-aragnimada," ayuu u sheegay weriyeyaasha shir jaraa'id oo ka horreeyay ciyaarta oo lagu qabtay New York maalintii Jimcaha.
"Ciyaarta ka dib, waxaa jiray ciyaartoy yiri: 'Tababare, maxaa kale oo la qaadi karaa hadda oo aanu ku guuleysanaa?' Waxaan go'aansannay in waxa harsan ay tahay ciyaarta xigta ee bisha Sebtembar, sababtoo ah hamiga kooxdan waa mid aan la dhergi karin."
Guusha ay gaareen xulalka qaranka Spain iyo tababarayaashooda ayaa gaartay heerka kooxaha kubadda cagta. Inkastoo Pep Guardiola uu go'aansaday inuu ka tago Manchester City ka dib muddo 10 sano ah oo uu kooxda hoggaaminayay kuna guuleystay koobab badan, haddana ugu yaraan rubuc ka mid ah tababarayaasha bilaabi doona xilli-ciyaareedka 2026-27 ee Premier League ayaa noqon doona kuwa u dhashay dalka Spain.
Xulka Spain ayaa hadda aan wax guuldarro ah la kulmin 38-kii kulan ee ugu dambeeyay ee dhammaan tartamada, taas oo ah rikoorkii ugu dheeraa ee aan guuldarro lagu arkin taariikhda koox kasta oo ka tirsan Yurub ama Koonfurta Ameerika.














