Canada maxkamadda Sare oo taageertay go'aan saamayna dadyowga Soomaalidu ku jirto

Published
Waqtiga akhriska: 3 daqiiqo

Maxkamadda Sare ee Canada ayaa inta badan taageertay sharci ka dhaqan gala gobolka Quebec ee dalkaas, kaas oo shaqaalaha dowladda ka mamnuucaya inay xirtaan astaamaha diimaha, oo ay ku jiraan iskutallaabta Masiixiga iyo xijaabka Muslimiinta.

Sharcigan muranka dhaliyay, oo loo yaqaan Bill 21, ayaa wajahaya caqabado sharci oo ay soo gudbiyeen haween Muslim ah, macallimiin Sikh iyo Maxiiiyiin ah, iyo kooxo kale oo dhowr ah. Waxay ku doodayaan in sharcigu xadgudub ku yahay xuquuqaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta.

Gobolka Quebec ee Canada ayaa sharcigan meel mariyay sanadkii 2019, isaga oo adeegsanaya qodob sharciyeed u oggolaanaya dowladda inay meesha ka saarto xuquuqo gaar ah, sida xorriyadda diinta.

Go'aankii Maxkamadda Sare ee Jimcihii ayaa ka mid ahaa go'aannadii ugu muhiimsanaa taariikhda Canada , wuxuuna saameyn weyn ku yeeshay dad badan oo ku nool gobolka Quebec iyo guud ahaan dalka.

Go'aanka kaddib, Ra'iisul Wasaaraha Canada , Mark Carney, ayaa warbaahinta dalka u sheegay in dowladdu ay qiimeyn doonto saameynta sharciga. Wuxuu intaas ku daray in sharci-dejiyeyaashu ay waajib ku tahay inay ixtiraamaan xorriyadaha iyo xuquuqda dhammaan dadka reer Kanada, oo ay ku jiraan dadka laga tirada badan yahay.

Maxkamadda Sare ayaa la weydiiyay su'aalo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin in sharciga Bill 21 uu waafaqsan yahay dastuurka, in dowladda ay si habboon u adeegsatay qodobka sharciyeed ee u oggolaanaya inay xaddido xuquuqaha qaarkood, iyo in awooddaasi ay leedahay xuduudo.

Maxkamaddu waxay inta badan sharciyad siisay Bill 21, balse waxay sheegtay in sharcigu uu ku xadgudbayo xuquuqda dimuqraadiyadeed, maadaama uu mas'uuliyiinta la soo doortay ee Quebec ka mamnuucayo inay wejiga qariyaan, iyagoo xiranaya niqaabka sababo la xiriira diintooda.

Waxay sidoo kale sheegtay inay awood u leedahay inay go'aamiso in sharci uu waafaqsan yahay iyo in kale xuquuqaha iyo xorriyadaha uu dammaanad qaadayo sharciga Canada.

Inta badan toddobada garsoore ee maxkamadda ayaa go'aamiyay in sharciga dowladda uu sharci yahay, halka qaar ka mid ah garsoorayaashu ay diideen qaybo ka mid ah sharciga.

Garsoorayaasha Andromache Karakatsas, Michel Obonsawin iyo Nicholas Cassirer ayaa sheegay in qodobka sharciyeed ee dowladda u oggolaanaya inay xaddido xuquuqaha qaarkood aan loo adeegsan karin in lagu meel mariyo sharciyo ka hor imaanaya mabaadi'da aasaasiga ah ee Canada oo ah dal xor ah oo dimuqraadi ah.

Garsoorayaashu waxay sidoo kale sheegeen inay aaminsan yihiin in sharcigani si gaar ah u xadgudbayo xorriyadda diinta, xorriyadda hadalka iyo xuquuqda sinnaanta.

Ururrada u dooda xorriyadaha madaniga ah ee gobolka Quebec ayaa sidoo kale ka horyimid sharciga, iyagoo sheegay inuu si weyn u waxyeellaynayo haweenka Muslimiinta ah ee xirta xijaabka, maadaama uu ka hor istaagayo inay ka qayb qaataan qaybaha muhiimka ah ee nolosha bulshada gobolka.

Stephen Brown, oo ah madaxa fulinta Golaha Qaranka Muslimiinta Canada, ayaa dhaleeceeyay go'aanka maxkamadda, isaga oo sharciga ku tilmaamay mid takoor ah.

Guddoomiyaha guddiga waxbarashada ee Montreal ee ku hadla afka Ingiriiska, oo ka mid ahaa hay'adihii sida weyn uga soo horjeeday sharciga, ayaa isna sheegay in guddigu uu si weyn uga niyad jabay go'aanka.

Dhanka kale, gobolka Quebec ayaa ku doodaya in sharcigan uu muhiim u yahay kala soocidda dowladda iyo hay'adaha dadweynaha iyo diinta, isla markaana uu yahay qayb lagama maarmaan u ah aqoonsiga gobolka.

Hoggaamiyaha xisbiga Bloc Québécois, oo ah xisbi heer federaal ah oo taageera madax-bannaanida gobolka Quebec, ayaa sheegay in go'aankii Jimcihii uu ixtiraamayo xaqa gobolka uu u leeyahay inuu difaaco qiyamkiisa.

Horaantii sanadkan, gobolka Quebec ayaa macallimiinta dugsiyada dowladda, garsoorayaasha iyo saraakiisha booliiska ka mamnuucay inay xirtaan astaamo diimeed oo muuqda.

Sidoo kale, waxaa la mamnuucay in kulliyadaha iyo jaamacadaha laga furo goobo cibaado, iyo in xarumaha waxbarashada lagu qabto adeegyo diimeed.

Gobolku wuxuu sidoo kale mamnuucay salaadaha jamaacadda ah iyo kulammada diimeed ee dadweynaha, oo ay ku jiraan kuwa lagu qabto jardiinooyinka iyo waddooyinka, haddii aan oggolaansho rasmi ah la haysan. Waxaa sidoo kale la soo rogay ganaaxyo lagu ciqaabayo dadka aan u hoggaansamin sharciga.

Quebec, oo ku taalla waqooyi-bari Canada, waa gobolka ugu weyn 10-ka gobol ee dalkaas. Sida ku cad xogta dowladda, sanad kasta waxaa gobolkaas soo gala inta u dhexeysa 30,000 iyo 50,000 oo muhaajiriin ah.