Waxaad eegaysaa nooca qoraalka kaliya ee boggan oo isticmaala xog yar. Eeg nooca ugu weyn ee boggan oo ay ku jiraan dhammaan sawirada iyo muuqaallada.
Aabbe dhalay 58 carruur ah oo sheegay inuu "illaawo" magacyada qaar badan oo ka mid ah carruurtiisa
- Author, Gnarly Turpiki
- Published
- Waqtiga akhriska: 4 daqiiqo
In qoysku tiradoodu badato iyo in lammaanuhu carruur badan dhalo waa arrin ku caan ah Afghanistan, balse qoyska ugu tirada badan dalkaas wuxuu u muuqdaa inuu yahay qoyska Maxamed Saadiq oo ku nool gobolka Uruzgan ee bartamaha Afghanistan. Maxamed Saadiq waxay afartiisa xaas u dhaleen 58 carruur ah.
Lahaanshaha carruur intaas le'eg waxay u noqotay mas'uuliyad culus oo adag. Carruurtiisa yaryar waxay habeen iyo maalinba ku jiraan duruufo adag, halka dadaalka ugu weyn ee aabaha qoysku uu yahay sidii uu cunto ugu heli lahaa ubadkiisa.
Qoyskan dhexdiisa iyo xaaladdan adag ayaa afarta xaas waxaa sidoo kale sannado badan soo maray waayo aragnimooyin isugu jira uur, dhalmo iyo korin carruur.
Maxamed Saadiq oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in dhammaan afartiisa xaas uu guursaday iyagoo aad u da' yar, isla markaana da'dooda xilligii la guursanayay ay ahayd inta u dhexeysa 13 ilaa 16 sano.
Maxamed Saadiq wuxuu sheegay in tirada badan ee carruurtiisa ay sababtay inuusan xitaa mar walba xasuusan karin magacyada dhammaantood, sidaa darteedna habeen walba uu tiriyo oo kaliya.
Wuxuu sheegay marka carruurta yaryar ay aabbahood ku soo ururaan, gurigu uu noqdo mid aad u buuq badan oo la moodo in aroos uu ka socdo.
Hase yeeshee, waxaa laga yaabaa in buuqa qoyskan oo keliya uu aroos u eg yahay; saboolnimadu waxay mararka qaar keentaa in qaar ka mid ah carruurta qoysku habeenkii gaajo ku seexdaan. Qoysku wuxuu cunto kariyaa laba jeer oo keliya maalintii, subaxii iyo fiidkii. Labo ka mid ah haweenka qoyska ayaa u xilsaaran diyaarinta cuntada.
Maxamed Saadiq waa 57 jir wuxuuna ka shaqeeyaa dukaan lagu iibiyo baabuurta. Wuxuu sheegay in ujeedka uu qoys weyn u yeeshay uu ahaa hal arrin oo kaliya: "Waxaan doonayay inaan ummadda Nebiga badiyo."
Isagoo ka hadlaya tirada badan ee carruurtiisa iyo xusuus ka dhacday maalintii arooska mid ka mid ah gabdhihiisa, wuxuu yiri: "Mulla ayaa yimid si uu u sameeyo meherka. Wuxuu i weydiiyay magaca gabadhaadu waa kuma? In yar ayaan fikaray, kadibna waxaan ku sheegay magaca gabar kale. Mullihii wuxuu igu yiri: Si aad u xasuusato magaca gabadhaada aad baad u fikirtay; mar kale guriga tag oo weydii, waxaa laga yaabaa inaad khalad sheegtay!"
Maxamed Saadiq wuxuu wiilkiisa u diray guriga si uu hooyadii u weydiiyo magaca dhabta ah ee aroosadda, waxaana markii dambe caddaatay inuu runtii si khalad ah ugu dhawaaqay magaca gabar kale oo uu dhalay.
Wuxuu yiri: "Habeen ayaan dhammaanteen fadhinay meel u dhow halka lagu cunteeyo. Waxaan bilaabay inaan carruurtayda tiriyo. Waxaan dareemay in mid ka maqan yahay. Ma garanayn ma wiil baa maqan mise gabar iyo qofkee guriga ku maqan. Hooyooyinkood ayaan weydiiyay. Mid waxay tiri waa ilmahaygii, waxaan u diray guriga hooyaday, caawa halkaas ayuu joogayaa".
Maxamed Saadiq wuxuu ahaa 20 jir markii uu guursaday xaaskiisii koowaad. Wuxuu sheegay in guur kasta uu ku qasbanaa inuu dhowr sano soo aruuriyo "yarad" si uu u siiyo qoyska gabadha.
Maxamed Saadiq iyo xaasaskiisa waxay sannadahaas gudahooda sidoo kale ku waayeen 14 carruur ah.
Guurka iyo uurka da'da yar waxay halis culus u keeni karaan hooyada iyo dhallaankaba. Sidoo kale uur qaadista isdaba joogga ah waxay caafimaadka hooyooyinka gelin kartaa halis dheeraad ah.
Afghanistan waa mid ka mid ah dalalka uu weli ku sarreeyo heerka dhimashada hooyooyinka xilliga uurka iyo dhalmada, waxaana caqabadaha waaweyn ee arrintan la xiriira ka mid ah helitaanka oo xaddidan adeegyada caafimaadka iyo daaweynta, gaar ahaan deegaannada fogfog.
Sidoo kale, faqrigu waa mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee dalkaas heysta.
Xilliga jiilaalka, xubnaha qoysku waxay cuntada ku cunaan gudaha qolalkooda, xilliga xagaagana waxay ku cunaan barxadda, iyagoo is garab fadhiya.
Hase yeeshee, fursadaha noloshoodu waa kuwo aad u xaddidan.
Meesha lagu qubeysto, ayaa sidoo kale loo adeegsadaa dhaqidda dharka iyo weelasha, xitaa waxaa loo isticmaalaa sidii musqul.
Marka la seexanayo, mararka qaar buste khafiif ah ayaa loo qeybiyaa lix ama toddobo qof, waxayna qaarkood ku seexdaan joodariyaal fudud, waana fursadaha jiifka ee ay haystaan xubnaha qoyska Maxamed Saadiq.
Qolalka qoyskan daaqado iyo albaabbo ma laha, daahyo khafiif ah oo kaliya ayaa lagu xiraa meesha albaabka. Si dab loo shido, waxay u adeegsadaan waraaqo.
Si kastaba ha ahaatee, Maxamed Saadiq oo naftiisu aan lahayn aqoon qoraal iyo akhris ah, wuxuu sheegay inuu isku dayay inuu carruurtiisa iskuul u diro, balse bixinta kharashka waxbarashadooda ayaa isna ku adag.
Wuxuu sheegay in goobta uu ka shaqeeyo ee gaadiidka lagu iibiyo, haddii baabuur la iibiyo, uu kaliya kun Afghani, oo qiyaastii u dhiganta 16 doolar uu ka helo.
Carruurta Maxamed Saadiq waxay sidoo kale u shaqeeyaan si ay u daboolaan kharashka qoyska. Qaar ka mid ah waxay ururiyaan waraaqo iyo balaastiig si shidaal ahaan loogu isticmaalo. Hase yeeshee, baahiyaha qoyskan ayaa aad uga badan dakhligooda.
Maxamed Saadiq wuxuu dowladda, hay'adaha iyo ganacsatada ka codsanayaa inay ka caawiyaan daboolida baahiyaha qoyskiisa.
Wuxuu sheegay inuu leeyahay laba hammi oo kaliya: "Mid waa in carruurtaydu wax bartaan oo ay culimo noqdaan; tan kalena waa in calooshoodu dheregto".