Iran oo war soo saartay kadib markii uu Trump ku dhawaaqay in uu dib u dhigay weerar uu ku qaadi lahaa Iran

Xigashada Sawirka, Anadolu via Getty Images
Ku-simaha Wasiirka Difaaca ee Iran, Majid Ibn Reza, ayaa sheegay in Tehran ay u aragto khatar kasta oo ka imanaysa cadawgeeda inay tahay "mid dhab ah oo jirta," xitaa haddii ay ku timaaddo qaab ah "dagaal maskaxeed", sida ay sheegtay warbaahinta rasmiga ah ee Iran.
Waxa uu sharraxay: "Nalagama qaban doono, anaguna ma istaajin doono," isaga oo intaa ku daray in Iran ay u adeegsan doonto hanjabaadahaas sabab ku filan oo ay kor ugu qaadi doonto diyaargarowgeeda milatari, xoojinta awooddeeda ka hortagga iyo horumarinta awooddeeda ciidan.
Tani waxay timid ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay "dib u dhigista" weerar cusub oo ka dhan ah Iran, ka dib "codsi" ka yimid Tehraan iyo dalalka kale ee Bariga Dhexe si loo dhamaystiro heshiis horseedi doona in "si degdeg ah oo dhamaystiran" dib loogu furo marinka Hormuz iyo "dhamaynta khatarta Nukliyeerka Iran."
Trump ma uusan magacaabin dalalka ku jira arrintaas, taasoo timid ka dib markii uu taleefoon kula xiriiray dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan.
Waxa uu ku sheegay bartiisa Truth Social: "Iyada oo ku saleysan codsigan, waxaan oggolaaday, mustaqbalka adduunka aawadood, iyo sidoo kale guusha sii socota iyo barwaaqada Iran, in la joojiyo weerarka, waase haddii heshiis si degdeg ah loo gaaro... Israa'iil waxay igula jirtaa ballanqaadkan."
Trump ayaa intaa ku daray in Maraykanku uu diyaar u yahay in uu Iran kala hor tago awood aan la arag tan iyo dagaalkii labaad ee aduunka.
Laakin wakaalada wararka ee Iran Mehr ayaa beenisay in jamhuuriyada islaamiga ay ka codsatay Washington in ay ka fogaato weerarka.
Wakaaladdu waxay soo xigatay saraakiil ciidan oo sheegay in hadalka Trump "uusan ahayn been kale" isagoo carabka ku adkeeyay in ciidamada qalabka sida ee Iran ay " heegan sare ku jiraan ayna diyaar u yihiin xaalad kasta".
U gudub akhriska ugu badan oo sii wad akhrinta
"Halista sii-xumaanshaha xaaladda"
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Dhanka kale, warbaahinta dowladda Iran ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda Abbas Araqchi uu wadahadallo khadka taleefanka ah la yeeshay dhiggiisa Sacuudiga Faisal bin Farhan, dhiggiisa Turkiga Hakan Fidan, iyo Taliyaha Ciidanka Pakistan Asim Munir.
Waxay sharraxday in intii lagu guda jiray xiriirradan uu uga digay "halista sii kordhinta xiisadda" gobolka, isagoo ku nuuxnuuxsaday in Iran ay "si buuxda diyaar ugu tahay inay is-difaacdo" ayna "si u dhiganta uga jawaabto" weerar kasta.
Goor dambe, Wakaaladda Wararka Sacuudiga (SPA) ayaa sheegtay in Dhaxal-sugaha Boqortooyada Mohammed bin Salman, oo khadka taleefanka kula hadlay Trump, uu ku nuuxnuuxsaday "baahida loo qabo in mudnaanta la siiyo wadahadalka si loo yareeyo xiisadda," isagoo hoosta ka xarriiqay "muhiimadda ay leedahay in la sameeyo dadaal kasta oo suurtagal ah si loo helo xasillooni u gogol-xaaraysa xalalka diblomaasiyadeed ee horseedaya natiijooyin wanaagsan oo lagu ilaalinayo amniga iyo xasilloonida gobolka, loogana hortagayo in lagu lug yeesho dagaal ballaaran."
Sabtidii, Nour News, oo ah wakaaladda wararka ee Golaha Amniga Qaranka Iran, ayaa sheegtay in weerar kasta oo Mareykanku ku qaado kaabayaasha tamarta Iran ay ku qasbi doonto Tehran inay weerarro ku qaaddo ceelasha shidaalka ee Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta, iyo sidoo kale ceelasha gaaska ee Qatar iyo Israa'iil, iyadoo raacisay in "wax walba ay noqon doonaan dambas."
Sida laga soo xigtay Axios, oo soo xiganaysa saraakiil Mareykan ah oo aan la magacaabin, Amiir Mohammed bin Salman ayaa Sabtidii wacay Trump si uu u muujiyo walaaciisa ku saabsan qorshayaasha lagu weerarayo Iran.
Il-wareed ka warqaba wicitaankaas ayaa u sheegay bogga internetka in Dhaxal-sugaha uu "ku boorriyay Trump inuu yareeyo xiisadda oo uu ka waantoobo qaadista weerarro."
Aqalka Cad ayaan weli ka hadlin wararkan xilligan, inkastoo laga codsaday inay faallo ka bixiyaan.
Arrintan ayaa timid ka dib markii safaaradaha Mareykanka ee dhowr magaalo-madax oo ku yaalla Bariga Dhexe ay uga digeen muwaadiniinta Mareykanka "koror lama filaan ah oo ku yimid xiisadda" dagaalka, waxayna ku boorriyeen inay u diyaar garoobaan inay ka baxaan gobolka.
Dhanka kale, Sacuudiga, Ruushka iyo shan waddan oo kale oo xubno ka ah OPEC+ ayaa kulan dhanka internetka ah oo ay yeesheen Axaddii ku go'aansaday inay kordhiyaan saamiga wax-soo-saarka shidaalka ee bisha Sebtembar, iyadoo la eegayo xaaladda dagaalka Bariga Dhexe.
Ururka Waddamada Shidaalka Dhoofiya (OPEC) ayaa bayaan ku sheegay, "Toddobada waddan ee ka qaybgalaya ayaa go'aansaday inay hirgeliyaan wax-ka-beddel ku saabsan wax-soo-saarka oo gaaraya 188,000 oo foosto maalintii," taas oo ah tiro la mid ah heerarkii bilaha hore, iyagoon xusin wax hakad ah oo ku yimid habka kororka, taas oo ka duwan wixii ay si weyn u filayeen falanqeeyayaashu.














