Maxaabiis dil ku xukuman oo ku jira jeelasha Sucuudiga oo BBC soo wacay

- Author, Aklilu Tsegay
- Role, BBC Tigrinya
- Published
- Waqtiga akhriska: 7 daqiiqo
Codka ninka dhalinyarada ah ee Itoobiyaanka ah waxa ka muuqday quus markii ay ugu dambayn u suurtagashay in uu taleefan kaga soo dhex hadlo qolkiisa xabsiga ee safka xukunka dilka oo ku yaalla gudaha Sacuudi Carabiya isagoo la hadlay BBC.
Habtom, oo magaciisa – sida maxbuuska kale ee qormadan lagu xusay – loo beddelay si loo ilaaliyo aqoonsigiisa, waxa uu ku xidhan yahay xabsi ku yaalla magaalada koonfureed ee Khamis Mushait, muddo ka badan saddex sano.
Iyadoo qaylada maxaabiista kale laga maqlayo gadaashiisa, ayuu gargaar codsaday, wuxuuna muujiyay cadho ku saabsan in dawladdiisu u muuqato in wax aan badnayn ay qabanayso sidii loo badbaadin lahaa.
Isaga iyo qaar ka mid ah maxaabiista kale waxay ka carareen dagaalka iyo saboolnimada dalkooda iyagoo rajaynayay in ay helaan nolol ka wanaagsan.
Laakiin safarkaas, oo uu ku maray Jabuuti iyo Yemen, wuxuu ku dhammaaday xabsi, isagoo ku biiray tirada sii kordhaysa ee Itoobiyaanka ku jira xabsiyada Sacuudiga ee wajahaya xukun dil ah oo la xiriira dambiyada tahriibinta mukhaadaraadka.
Iyagoo doonaya in sheekadooda la maqlo, qaar ka mid ah maxaabiista ayaa helay lambarka taleefanka qaybta BBC-da ee ku hadasha afka Tigreega. Guud ahaan, waxaan la hadalnay toddoba ka mid ah tobannaan – laga yaabo in ay gaaraan ilaa 200 – oo Itoobiyaan oo ku jira xabsiga kuwaas oo sugaya in lagu fuliyo xukunka dilka.
Ajaanib kale, oo ay ku jiraan Baakistaaniyiin, Suudaani iyo Urduniyiin ayaa sidoo kale ku sugan xaalad la mid ah. Hase yeeshee, toddobadii bilood ee ugu horreeyay sannadkan waxaa la dilay 17 Itoobiyaan ah , waana tirada ugu badan ee ajaanibta aan Sacuudiga u dhalan. Shan ka mid ah dilalkaas ayaa dhacay Isniintii.
Laba sano ka hor, sida ay sheegtay cilmi-baaris ay samaysay Amnesty International, laba Itoobiyaan oo keliya ayaa la dilay, balse sannadkii 2025 waxaa la dilay 35 qof oo Itoobiyaan ah.
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Habtom, oo sida inta badan dadka ay BBC la hadashay ka soo jeeda Tigray, waxaa lagu helay dambi ah tahriibinta xashiishka oo ah nooc ka mid ah xashiishadda. Dalka Sacuudi Carabiya, haddii garsooruhu go'aansado, qofka lagu helo dambigan waxaa lagu xukumi karaa dil.
Laakiin ururrada xuquuqda aadanaha – oo ay ku jiraan Reprieve, Human Rights Watch iyo Amnesty International – waxay sheegeen in kiisaska noocan ah aan badanaa loo marin habraac caddaaladeed oo sax ah.
Dana Ahmed waxay sheegtay in eedaysanayaasha aan la siin qareen ama waraaqaha maxkamadda, halka turjumaadda la bixiyana marar badan aysan ku filnayn.
Inkastoo sharci ahaan uu jiro racfaan, haddana qareen la'aan ma awoodaan inay racfaan gudbiyaan, "markaasna xukunku si toos ah ayuu u dhaqan galayaa," ayay tiri.
Habtom wuxuu ku eedeeyay in aan la siin fursad uu kula hadlo qareen ama uu isku difaaco. Wuxuu kaloo sheegay in lagu khasbay inuu saxiixo dukumenti af-Carabi ku qoran oo sheegayay inuu aqbalay xukunka, isaga oo aan fahmin waxa uu saxiixayo.
Maxaabiis kale oo ay BBC la hadashay ayaa iyaguna sheegay sheekooyin la mid ah oo ku saabsan nidaamka garsoorka.
Mas'uuliyiinta Sacuudiga kama aysan jawaabin codsigii BBC ee ku saabsanaa eedeymaha sheegaya in habraaca sharci aanu caddaalad ahayn. Si kastaba ha ahaatee, dil kasta oo la fuliyo waxaa la socda bayaan ay baahiso wakaaladda wararka ee dawladda, kaas oo sharxaya in kiisku soo maray baadhitaan, maxkamad, racfaan, go'aan Maxkamadda Sare ah iyo amar boqortooyo.
Habtom wuxuu sheegay in inkastoo uu mararka qaarkood qoyskiisa kula xiriiro taleefanka ku dheggan gidaarka qolkiisa xabsiga, uusan waligiis u sheegin inuu ku jiro safka dilka.
"Waxaan doorbidayaa in loo sheego markaan dhinto kaddib halkii hadda loo sheegi lahaa."
Wuxuu ku riyoon jiray inuu dhammeeyo dugsiga sare, jaamacad ka qalin-jabiyo, kaddibna helo shaqo uu waalidkiis ku taageero, laakiin dagaalkii Tigray ayaa burburiyay riyadiisa.
"Hadafkeygii waa burburay, sidaas darteed waxaan go'aansaday in aan tahriibo," ayuu yidhi.

Waxaa loo dhiibay baakad, balse markii boolisku jidka ku qabteen, waxaa laga helay qaad– caleen maandooriye dabiici ah oo si weyn looga isticmaalo dalalka Geeska Afrika.
Bayaannada rasmiga ah ee Sacuudi Carabiya dhammaantood waxay sheegaan in ay ahayd tahriibinta xashiish, hase yeeshee dadka ay BBC la hadashay waxay sheegeen in waxa ay siteen uu ahaa qaad.
"Ma aanan ogeyn waxa aan sidnay. Laakiin markii dambe ayaa la ii sheegay in uu ahaa qaad. Xitaa ma aqaan waxa uu qaad yahay," ayuu yiri Habtom, isagoo qirtay in lacagta badan ee loo ballanqaaday ay ku qancisay in uu shaqada aqbalo.
Saddex ka mid ah maxaabiista Itoobiyaanka ah ee la xirnaa isaga ayaa la dilay bishii Abriil, halka sagaal kale la dilay bishii Juun.
Warbixin ay soo saartay bishii Abriil, Human Rights Watch (HRW) waxay ugu baaqday Sacuudi Carabiya inay si degdeg ah u joojiso dilalka lagu fulinayo muhaajiriinta Itoobiyaanka ah, isla markaana ay hubiso in dhammaan kiisaska loo maro si waafaqsan sharciga caalamiga ah.
Waxay sidoo kale ka codsatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya inay si degdeg ah u farageliso oo ay taageero qunsuliyadeed siiso muwaadiniinteeda.
Bishii Juun, waxaa xabsiga booqday Safiirka Itoobiya ee Sacuudi Carabiya Tafa Tulu Dadi, balse maxaabiistu waxay BBC u sheegeen in aan la siin waqti ku filan oo ay ugu sharraxaan xaaladdooda.
Booqashadu sidoo kale uma muuqan mid wax badan beddeshay, maaddaama toddobaadkii xigay Itoobiyaan kale la fuliyay xukunkooda dilka.
BBC waxay la xiriirtay mas'uuliyiinta Itoobiya ee Sacuudiga iyo dawladda Addis Ababa si ay uga hesho faallo, balse wax jawaab ah lama helin.

Iyaga oo sugaya natiijada dadaallada diblomaasiyadeed, maxaabiista la hadashay BBC waxay sheegeen inay ku jiraan dhibaatooyin ka jira xabsiyo aad u ciriiri ah.
Desta, oo ku sugan qayb kale oo xabsiga ah, ayaa sheegay in qolkiisa ay ku jiraan 200 nin, inkastoo goobtaas loo qorsheeyay 90 qof oo keliya, iyadoo darbiyada hareerahooda la dhigay 45 sariirood oo isa saaran.
Waxa uu sheegay, maxaabiistu ay xilliayda maalintii ay ku fadhiyaan dhulka iyagoo isku dheggan xaalad kulayl ah oo aad u daranna ay jirto; habeenkiina, marka heerkulku hoos u dhaco, waxay isku daboolaan bacaha qashinka halkii ay ka heli lahaayeen go'yaal sariireed.
"Cadaadiska ka dhasha sugitaanka xukunka dilka, oo ay weheliso ciriiriga xabsiga, wuxuu nagu reebayaa cudurro iyo walbahaar," ayuu yiri Desta.
"Ilaaliyaha xabsigu albaabka wuxuu furaa oo keliya si uu cunto u keeno, isagoo afka iyo sanka ku daboolan maaskaro – waa waqtiga keliya ee albaabka la furo. Markuu cuntada na siiyo, si degdeg ah ayuu u xiraa albaabka wuuna baxaa.
Waxaa la xiray isagoo isku dayaya inuu ka gudbo xadka Yemen, saddex sano ka hor, waxaana lagu eedeeyay tahriibinta mukhaadaraadka.
Si la mid ah dhammaan dadkii ay BBC wareysatay, Desta wuxuu sheegay inuusan waligiis filayn in lagu xukumi doono dil, isla markaana uu rumaysnaa inuu ugu dambayn dalkiisa ku laaban doono kaddib marka uu xabsiga ku qaato muddadiisa.
Balse, wuxuu ku andacooday in isagana lagu khasbay inuu saxiixo dukumenti af-Carabi ku qoran oo ay ku qornaayeen eedeymo ciqaabtoodu tahay dil.
Markii dambe, markii uu maxkamadda hor yimid, wuxuu sheegay inaan loo oggolaan in uu ka doodo eedeymaha, isla markaana uusan helin wax qareen ah oo matala.
"Marka ugu horraysa ee aad garsooraha hortagto, wuxuu ku weydiinayaa: 'Ma aqbashay eedeymaha?' Marka labaad ee aad hortagto, wuxuu kugu xukumaa dil," ayuu yiri Desta.
Waxa uu ahaan jiray nin sameeya lebenka guryaha lagu dhiso, waxaan ku adkaatay in uu masruufo qoyskiisa, wuxuu ka baxay Tigray intii uu dagaalku ku soo socday deegaankiisa.
Hadda wuxuu mar kale ka walwalsan yahay naftiisa, isaga, Habtom iyo tobannaan kale oo ku jira safka xukunka dilka waxay dalbanayaan gargaar dibadda ah.
"Waxaan ku nool nahay cabsi aad u weyn, xitaa ma cuni karno cuntada nala siiyo," ayuu yidhi Habtom.
















