Waqtiga saxda ah ee ay habboon tahay in la casheeyo

Bariis

Xigashada Sawirka, Getty Images

    • Author, Melissa Hogenboom
    • Role, Weriyaha Caafimaadka
  • Published
  • Waqtiga akhriska: 5 daqiiqo

Ma aha oo keliya waxa aad cunto waxa muhiimka ah – saacadda jirkaaga ayaa door muhiim ah ka ciyaarta sida uu jirkaagu u dheef-shiido cuntada.

"Quraac u cun sida boqor, qado u cun sida amiir, cashana u cun sida miskiin," ayuu saaxiibkayga Isbaanishka ah iyo saaxiibkayga shaqada Javier Hirschfeld ii sheegay markii aan weydiiyay caadooyinka caadiga ah ee cunista dadka Isbaanishka. Waa oraah isaga lagu soo barbaariyay tan iyo yaraantiisii.

Spain, waa wax caadi ah in qadadu noqoto cuntada ugu weyn ee maalinta, halka cuntooyinka fiidkii ay u badan yihiin cunto fudud. "Dadka qaar cashada gebi ahaanba way ka tagaan ama waxay cunaan xoogaa miro ah iyo caano fadhi," ayuu yiri.

UK iyo US, waxaa caadi ahaan la cunaa qado fudud oo ay ku xigto cunto ka weyn fiidkii. Laakiin waxaa laga yaabaa inaan waxyaabaha si khaldan u samaynay – sida ay sheegtay daraasad cilmiyeed soo baxaysa oo loo yaqaan chrononutrition. Waxay soo jeedinaysaa in cunto caafimaad leh aysan ku koobnayn oo keliya waxa aan cunno, balse ay sidoo kale ku saabsan tahay goorta aan cunno.

Laga bilaabo dhimista buurnida ilaa ka hortagga cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga, daraasado badan ayaa hadda muujinaya in saacadda gudaha ee jirkeenna, ama wareegga maalinlaha ah ee jirka, ay door xooggan ku leedahay sida aan cuntada u farsamayno – iyo caafimaadkeenna guud. Waa tan sababta – iyo sida loo qorsheeyo waqtiyada cuntada si looga faa'iidaysto arrintan.

Saacaddaada u deji 'waqtiga' saxda ah

Cuntada

Xigashada Sawirka, Getty Images

Marta Garaulet, oo ka tirsan Jaamacadda Murcia ee Spain, ayaa markii ugu horreysay xiisaynaysay saameynta waqtiga cuntada ka dib markii ay indha-indhayn ku samaysay rugteeda dhimista miisaanka. In ka badan toban sano ka hor, waxay indha-indhaysay laba bukaan oo natiijooyin kala duwan ka helay dhimista miisaanka, inkastoo ay wada noolaayeen oo ay raaceen isla cuntadii saxda ahayd.

"Marka laga eego dhinaca bayoolajiga, subaxdii iyo fiidkii isku qof ma nihin – Frank Scheer"

Midkood wuxuu qadayn jiray qiyaastii 13:00, halka kan kalena uu awoodi jiray inuu wax cuno oo keliya waqti dambe sababo la xiriira jadwalka fasalladeeda. "Taasi waxay ahayd farqiga keliya," ayay tiri Garaulet. Ardaydii qadada hore cuni jirtay ayaa lix toddobaad ka dib lumisay miisaan aad uga badan. Tani waxay ku dhalisay inay baarto suurtagalnimada xiisaha leh ee ah in waqtiga cuntada laftiisu uu saameyn weyn ku yeelan karo dhimista miisaanka.

Iska gudbi, siina wada aqrinta
BBC Somali WhatsApp

Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.

Halkaan kaga soo biir

Dhamaadka xayeysiinta

Garaulet iyo asxaabteeda ka tirsan Jaamacadda Murcia waxay 20 toddobaad la socdeen 420 qof oo qaangaar ah oo ku nool Spain, kuwaas oo ka qaybqaatay isla barnaamijka dhimista miisaanka, waxayna ogaadeen in kuwa qadada hore cunay ay lumiyeen miisaan badan oo ay si ka dhakhso badan u lumiyeen marka loo eego kuwa doortay inay qadada cunaan waqti dambe oo maalinta ah.

Sidoo kale, tijaabo yar oo la xakameeyay oo si aan kala sooc lahayn loo sameeyay, 32 haween ah oo caafimaad qaba ayaa laba toddobaad cunayay isla cuntooyinkii. Kuwa qadada dambe cunay waxay muujiyeen xakameyn sonkor dhiig oo liidata waxayna gubeen karbohaydraytyo ka yar. Daraasado badan ayaa tan iyo markaas ogaaday in wareegga maalinlaha ah ee jirkeennu uu saameeyo gaajadeenna, dheefshiidkeenna iyo dheef-shiid kiimikaadkeenna.

Laakiin maxay tahay sababta cunista isla cuntadii saxda ahayd waqti ka duwan maalinta ay u yeelanayso saameyn intaas le'eg? Markii aan su'aashan weydiiyay Frank Scheer, oo ah borofisar caafimaad iyo khabiir ku takhasusay neerfaha oo ka tirsan Brigham and Women's Hospital ee Boston, Massachusetts, wuxuu ii sheegay inay sabab u tahay in "marka laga eego dhinaca bayoolajiga, subaxdii iyo fiidkii isku qof ma nihin." Saacadda gudaha ee jirkeennu waxay nidaamisaa ku dhowaad dhammaan dhinacyada shaqada jirka, ayuu yiri.

Taasi waxay sabab u tahay in cunista xilli saacadda jirkeennu tilmaamayso inuu yahay waqtigii hurdada ay abuuri karto is-waafajin la'aan bayoolojiyeed oo loo yaqaan "circadian misalignment".

Hore wax u cun si aad gaajo yar u dareento

Cunto

Xigashada Sawirka, Getty Images

Saameynta cunista waqti dambe waxay ka sii gudbi kartaa xakamaynta sonkorta dhiigga. Cilmi-baaristu waxay ogaatay in cunista waqti dambe ay ka dhigtay ka qaybgalayaasha kuwo maalinta xigta gaajo badan dareema, iyadoo khalkhal gelinaysa hormoonnada nidaamiya rabitaanka cuntada iyo dheregga. Kuwii waqti dambe wax cunay waxay soo saareen leptin yar, oo ah hormoon maskaxdeena u sheega marka aan dheregsannahay.

Isla waqtigaas, waqtiga cuntadu wuxuu saameeyaa sida jirkeennu u kaydiyo dufanka. Halkii uu dufanka burburin lahaa, cunista waqti dambe waxay keeni kartaa in unugyadeennu kaydiyaan dufan. Muddo ka dib, tani waxay jirka ku adkayn kartaa inuu ku sii nagaado miisaan caafimaad leh.

Waqtiga cuntadu sidaas darteed wuxuu si gaar ah muhiim ugu noqon karaa dadka qaada noocyo hidde-sideyaal ah oo ka dhiga inay u badan tahay inay miisaan yeeshaan. Daraasad lagu sameeyay ku dhowaad 1,200 qof oo qaangaar ah, koox caalami ah oo cilmi-baarayaal ah – oo uu ku jiro Scheer – ayaa ogaatay in cunista waqti dambe lala xiriiriyay tusmada miisaanka jirka oo sarreysa dadka khatarta sare ugu jira buurnida, halka cunista hore ay yareysay khatartan.

Quraac badan cun si aad u hesho caafimaad wadne oo wanaagsan

Cunto

Xigashada Sawirka, Getty Images

Cunista hore waxay sidoo kale yeelan kartaa faa'iidooyin caafimaadka wadnaha ah. Daraasad lagu sameeyay in ka badan 100,000 qof oo ku nool France, kuwa quraacda waqti dambe cunay waxay lahaayeen khatar sare oo ah cudurrada wadnaha iyo xididdada dhiigga. Cilmi-baarayaashu waxay sidoo kale ogaadeen in soon dheer oo habeenkii ah, oo lagu gaaro in cashada hore la cuno halkii quraacda dib loo dhigi lahaa, lala xiriiriyay caafimaad wadne oo wanaagsan.

Tani waxay si gaar ah muhiim ugu noqon kartaa shaqaalaha shaqeeya saacadaha kala duwan, iyo sidoo kale kooxaha kale ee u nugul "khalkhalka wareegga maalinlaha ah ee jirka," ayay cilmi-baarayaashu xuseen. Dadka habeenkii shaqeeya, taladu sidaas darteed waa inay xaddidaan qaadashada cuntada oo ay ku ekaadaan maalintii marka ay suurtagal tahay – inkastoo tani aysan qof walba u noqon karin mid ammaan ah (tusaale ahaan, shaqaalaha caafimaadku waxay u baahan karaan inay wax cunaan si ay u ilaashadaan heerarkooda tamarta).

Haddii aad gaajo dareento, ku ekaaw cuntooyin fudud oo yar oo hodan ku ah borotiinka, iskuna day inaad quraacda dib ugu dhigto subaxda, haddii ay ku habboon tahay jadwalkaaga.