Trump oo xaqiijiyay in Iiraan si xooggan loo duqeynayo taas oo aargoosi u ah askarta Mareykanka ee la dilay

Xigashada Sawirka, Reuters
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyay in Mareykanku uu "si xooggan" u weerarayo Iiraan, isagoo sheegay in weerarradaasi ay yihiin xus iyo aargoosi loo sameynayo muwaadiniinta Mareykanka ee la dilay.
Trump ayaa yiri: "Caawa mar kale ayaan si xooggan u duqeynay Iiraan."
Warbaahinta Iiraan ayaa sheegtay in qaraxyo laga maqlay meelo kala duwan oo dalka ah, isla markaana la hawlgeliyay nidaamyada difaaca cirka, iyadoo ay soo baxayeen warar sheegaya in goobaha qaarkood ay weerarro ka geysteen ciidamada Mareykanka.
Telefishinka Press TV ee Iiraan ayaa sheegay in ay jiraan warar tilmaamaya in duqeymo Mareykan ah lagu beegsaday magaalada Tabriz.
Koonfurta dalka, wakaaladda wararka ee Mehr ayaa soo xigatay dadka deegaanka oo sheegay inay maqleen qaraxyo dhowr ah oo ka dhacay deegaanka Sirik, halka wakaaladdaasi ay sidoo kale sheegtay in nidaamyada difaaca cirka la hawlgeliyay magaalada Konarak.
Sidoo kale, wakaaladda Tasnim ayaa xaqiijisay in qaraxyo laga maqlay magaalooyinka Bandar Mahshahr iyo Bandar Imam Khomeini, oo ku yaalla koonfur-galbeed ee Iiraan.
Dhanka kale, Safaaradda Mareykanka ee Manama ayaa waaberigii Isniinta sheegtay inay heshay xog muujinaysa in Iiraan ay isku dayi karto inay weerarto goobo aan si gaar ah loo cayimin oo ku yaalla bartamaha caasimadda Baxrayn, waxayna ku boorrisay muwaadiniinta Mareykanka ee jooga Baxrayn inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah.
Arrintan ayaa ku soo beegmaysa kadib markii Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) uu ku dhawaaqay inuu bilaabay mowjad cusub oo weerarro ah oo ka dhan ah Iiraan, kuwaas oo socday habeenkii sagaalaad oo xiriir ah, sida lagu sheegay barta X ee taliska.
CENTCOM ayaa intaa ku dartay in weerarradani ay sii wiiqi doonaan awoodaha milatari ee Iiraan ee loo adeegsado weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga iyo badmaaxiinta rayidka ah ee mara marin-biyoodka Hormuz.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Warbixinada qotada dheer iyo wararka BBC Somali oo toos kuugu imanaaya WhatsApp.
Halkaan kaga soo biir
Dhamaadka xayeysiinta
Marka laga hadlayo go'doominta badda, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa ku dhawaaqay inuu dib u leexiyay lix markab oo ganacsi, isla markaana hakiyay dhaqdhaqaaqa hal markab kale ilaa 19-ka Luulyo, si loo hubiyo u hoggaansanaanta go'doominta badeed ee uu saaray Iiraan.
CENTCOM ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanku ay sii wadaan hawlgallada lagu fulinayo go'doomintaas, iyadoo xustay in shaqaalaha ciidamada badda ee saaran burburiyaha gantaallada hagta ee USS John Finn la geliyay heegan buuxa si ay ula socdaan xaaladda.
Dhanka kale, hal askari oo Mareykan ah ayaa lagu dilay waxa CENTCOM ku tilmaantay "qarax si ula kac ah loogu kiciyay walxo qarxa oo aan hore u qarxin" waqooyiga Ciraaq.
Bayaan ay CENTCOM soo saartay Axaddii ayaa lagu sheegay in walxaha qaraxaasi ay ka hareen diyaarad aan duuliye lahayn oo ay leedahay Iiraan, taas oo hore loo soo riday.
Isla waqtigaas, bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Baxrayn ee barta X ayaa soo saaray fariin leh:
"Seeriga digniinta ayaa la shiday. Waxaan ka codsaneynaa muwaadiniinta iyo dadka deggan dalka inay isdejiyaan, una dhaqaaqaan goobta ugu dhow ee ammaan ah, isla markaana ay wararka kala socdaan warbaahinta rasmiga ah."
Telefishinka rasmiga ah ee Baxrayn ayaa sidoo kale hore u sheegay in nidaamyada difaaca cirka ee dalka ay ka hortageen waxa uu ku tilmaamay "weerarro cirka ah oo ay Iiraan fulisay."
Sidoo kale, ciidamada Kuwait ayaa qoraal ay ku daabaceen barta X ku sheegay:
"Difaacyada cirka ee Kuwait waxay ka hortagayaan weerarro ay geysteen diyaarado aan duuliye lahayn oo cadow ah, kuwaas oo ka dhashay gardarrada ay Iiraan waddo."
Waxay intaas ku dareen: "Taliska Guud ee Ciidamada wuxuu shacabka ogeysiinayaa in haddii la maqlo dhawaaqyo qaraxyo ah, ay ka dhashaan gantaallada difaaca cirka oo soo ridaya weerarrada cadowga."

Xigashada Sawirka, AFP via Getty Images
Israa'iil ayaa uga digtay Iiraan cawaaqibka ka dhalan kara "in gantaallada Iiraan ay gaaraan dhulkeeda", iyadoo ku hanjabtay inay si buuxda uga jawaabi doonto weerar kasta oo Iiraan soo qaaddo.
Wasiirka Difaaca Israa'iil, Yisrael Katz, ayaa yiri: "Haddii Iiraan ay gantaallo ku soo riddo Israa'iil, waxaan ku weerari doonnaa awooddeenna oo dhan. Haddii Mareykanku beddelo siyaasaddiisa, arrintaas oo suurtagal ah, annagu waxaan diyaar u nahay difaac iyo weerar labadaba."
Digniintan Israa'iil ayaa timid kadib markii ciidamada qalabka sida ee Urdun ay ku dhawaaqeen inay soo rideen saddex gantaal oo Iiraan laga soo tuuray, halka gantaal afraad uu ku dhacay meel cidlo ah, iyadoo aan la soo sheegin wax khasaare naf ama hanti ah.
Israa'iil kama aysan qaybgelin mowjaddii ugu dambeysay ee weerarrada isdhaafsiga ahaa ee u dhexeeyay Mareykanka iyo Iiraan, kuwaas oo ku loollamaya gacan ku haynta Marin-biyoodka Hormuz, oo ah marin istiraatiiji ah.
Sida ay qortay wakaaladda AFP, gantaallada Iiraan ee lagu beegsaday dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Caqaba ee koonfurta Urdun, oo ku dhow xadka Israa'iil, ayaa yimid kadib markii Safaaradda Mareykanka ay uga digtay muwaadiniinteeda inay tagaan dekedda caalamiga ah.
Afhayeen u hadlay dowladda Urdun ayaa beeniyay in la soo saaray amar lagu daadgureynayo garoonka diyaaradaha iyo dekedda, isagoo caddeeyay in labaduba ay si caadi ah u shaqeynayaan.
Dhanka diblomaasiyadda, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Urdun ayaa u yeertay ku-simaha safiirka Iiraan ee boqortooyada, waxayna gaarsiisay fariin cabasho kulul, iyadoo ka dalbatay inuu Tehran u gudbiyo farriin cad oo ah in si degdeg ah loo joojiyo weerarrada lagu hayo Urdun.

Xigashada Sawirka, AFP
Dhanka kale, Taliska Dhexe ee Ciidamada Mareykanka (CENTCOM) ayaa Axaddii ku dhawaaqay in ciidamada Mareykanku ay soo gabagabeeyeen habeenkii siddeedaad oo xiriir ah oo ay ku wadeen weerarro militari oo ka dhan ah Iiraan. Weerarradan ayaa lagu sheegay inay jawaab u yihiin weerarro ay Iiraan ku qaaday bartilmaameedyo Mareykan ah oo ku yaalla Urdun 17-kii Luulyo, kuwaas oo lagu dilay laba askari oo Mareykan ah, halka askari saddexaad weli la la'yahay.
Sida uu qoray wargeyska Wall Street Journal, oo soo xiganaya saraakiil Mareykan ah, Iiraan waxay bartilmaameedsatay nidaamyada difaaca Mareykanka iyadoo adeegsanaysa gantaallo xawaare sare leh oo awood u leh inay jihada beddelaan inta ay duulayaan, taas oo adkeyneysa in la qabto.
Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay in awoodda Iiraan ay ku garaaci karto bartilmaameedyo xasaasi ah ay sare u qaadayso walaaca laga qabo in ay taageero farsamo ama milatari ka hesho Shiinaha ama Ruushka.
Inkasta oo labada dhinac ay muujiyeen inay ka go'an tahay sii wadista dagaalka, haddana waxay maalmahan dambe isku dayayeen inay ka fogaadaan dagaal ballaaran. Si kastaba ha ahaatee, waxaa isa soo taraya digniinaha sheegaya in xiisadda sii kordheysa ay halis gelin karto dadaalladaas.
Sidoo kale, bartilmaameedyada weerarrada Mareykanka ayaa dhawaan sii ballaartay, iyagoo ka gudbay xadka la xiriira gacan ku haynta Marin-biyoodka Hormuz, waxaana hadda ka mid noqday buundooyin, xarumo biyaha lagu macaaneeyo, saldhigyo koronto, iyo kaabayaal kale oo rayidku isticmaalo.
Jawaab ahaan, Iiraan ayaa weerartay xarun koronto dhalisa isla markaana biyaha macaaneysa oo ku taalla Kuwait, iyadoo dowladda Kuwait ay weerarkaas ku tilmaantay "kicin khatar ah oo jebinaya sharciga caalamiga ah iyo Axdiga Qaramada Midoobay."

Xigashada Sawirka, CENTCOM/AFP
Mareykanka ayaa dhowaan ciidamo dheeraad ah iyo diyaarado dagaal u diray gobolka, kuwaas oo ay ku jiraan diyaaradaha dagaalka ee F-16, kuwaas oo laga soo qaaday saldhigga cirka ee Spangdahlem ee dalka Jarmalka.
Diyaaradaha F-16 waxay awood u leeyihiin inay weeraraan raadaarrada Iiraan ee loo adeegsado ridista gantaallada cirka laga gano, waxayna sidoo kale fulin karaan hawlgallo kale oo militari.
Sidoo kale, Mareykanku wuxuu Bariga Dhexe u diray diyaaradaha qarsoon ee F-35, kuwaas oo ka yimid saldhigga cirka ee Lakenheath ee Boqortooyada Midowday (UK).
Intaa waxaa dheer, Mareykanku wuxuu gobolka geeyay diyaarado shidaalka hawada ku shuba diyaaradaha kale, si loo kordhiyo awoodda hawlgallada cirka.
Tallaabooyinkan ayaa yimid kadib markii ay burburtay is-afgarad oo ay Mareykanka iyo Iiraan ku gaareen dhexdhexaadinta Pakistan bishii Juun ee la soo dhaafay.

Xigashada Sawirka, Alamy
In kasta oo xiisaddu sii kordhayso, haddana Wasiirka Tamarta Mareykanka Chris Wright ayaa Axaddii sheegay in shidaalka gobolka Khaliijka uu hadda socdo qiyaastii 14 milyan oo foosto maalintii, iyadoo ku dhowaad kala bar uu marayo Marin-biyoodka Hormuz.
Kala bar kale oo u dhiganta 7 milyan oo foosto ayaa mara shabakad dhuumo shidaal oo kale oo loo adeegsado beddelka marin-biyoodka, sida uu Wright ku sheegay wareysi uu siiyay shabakadda Mareykanka ee ABC News.
Wasiirku wuxuu tilmaamay in tiradan (14 milyan oo foosto) ay la mid tahay qiyaastii laba meelood meel (2/3) heerkii wax-soo-saarka iyo socodka shidaalka ee jiray ka hor inta uusan dagaalku bilaaban.
Qiimaha shidaalka ayaa kor u kacay ku dhowaad 4.00%, iyadoo nooca Brent crude uu gaaray 86.67 doolar halkii foosto. Dhanka kale, shidaalka West Texas Intermediate (WTI) ayaa kor ugu kacay heerkii ugu sarreeyay bishan Luulyo, isagoo gaaray 84.10 doolar halkii foosto, marka loo eego qiimihii xiritaanka dhammaadkii toddobaadkii hore oo ahaa 81.78 doolar halkii foosto.
Kororka qiimaha shidaalka ayaa yimid iyadoo ay sii xoogeysanayaan dagaallada iyo iska horimaadyada u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan.















